Lix dal Afrikaan ah oo soo rogay xayiraad dhinaca internet-ka ah

Image
Lix waddan ayaa kala ah Itoobiya, Guinea, Mauritania, Senegal, Sudan iyo Tanzania.

NAIROBI, Kenya - Shirkad dhinaca amniga internetka ka shaqeysa ayaa sheegtay in lix waddan oo Afrikaan ah, oo ay ku jirto Suudaanta ay dagaalladu aafeeyeen, ay soo rogeen xaddidaadda internet-ka gudaha dalkooda qeybtii hore ee 2023-ka.

Surfshark oo fadhigeefu yahay Netherlands ayaa sheegay in tani labanlaab ka badan tahay waddammada isla bilaha 2022.

Lix waddan ayaa kala ah Itoobiya, Guinea, Mauritania, Senegal, Sudan iyo Tanzania.

Itoobiya, oo soo rogtay xiritaanka internetka sababo la xiriira qalalaasaha qowmiyadeed ee dalka ka jira, ayaa dhawaan qaaday xayiraadii.

Xayiraad ayaa weli ka jirta dalka Suudaan, waxaana uga sii darnaa saameynta dagaallada socda, kuwaasoo waxyeello u geystay kaabayaasha dhaqaalaha iyo korontadii laga jaray deegaanno badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Canshuuraha Cusub ee Trump oo Saameysay Dalal Badan oo kamid ah Afrika

Lesotho ayaa markii hore wajahaysay canshuur dhan 50%, balse markii dambe waxaa loo dhigay 15%.

  • Afrika

    09-08-2025

  • 04:41PM

Kenya: Bas Sidday Dad Aas Ka Soo Qaybgalay oo Ku Rogmaday

Mas’uuliyiinta ayaa ku baaqay in si degdeg ah wax looga qabto ammaanka waddooyinka si looga hortago dhacdooyin naxdin leh oo kale.

  • Afrika

    09-08-2025

  • 09:47AM