M23 Oo Sheegtay Inay Gashay Bukavu Kadib Markii Ay Qabsatay Garoonka Diyaaradaha

Image

Hoggaamiyaha M23 ee ay taageerto Rwanda ayaa sheegay in ay soo galeen magaalada Bukavu ee Bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo, magaalada labaad ee ugu weyn dalkaas, Talaadadii, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in ay arkeen dagaalyahannada M23 iyaga oo ku sugan waddooyinka degmada waqooyi ee magaalada.

Saacado ka hor, ciidamada Kongo ayaa xaqiijiyay in dagaalyahanada M23 ay qabsadeen garoonka diyaaradaha ee Kavumu, oo ku yaalla waqooyiga Bukavu, halkaasoo ciidamada Kongo ay dib uga noqdeen iyaga oo ka tagay qalabkooda.

Dagaalyahanada M23 ayaa isku dayayay in ay u dhaqaaqaan koonfur ilaa Bukavu tan iyo markii ay qabsadeen Goma, oo ah magaalada ugu weyn bariga Kongo, dhammaadkii bisha hore.

Qabashada Bukavu, caasimadda gobolka Kivu Koonfureed, ayaa noqon doonta balaadhin aan hore loo arag oo dhanka dhul ah oo ay ku guuleysteen dagaalyahanada M23 tan iyo markii ay bilowdeen kacdoonka cusub ee 2022, waxayna si weyn u dhaawici doontaa awoodda maamulka Kinshasa ee bariga dalka.

Corneille Nangaa, hoggaamiyaha Isbahaysiga ay ku jiraan dagaalyahanada M23, ayaa sheegay, "Waxaan xaqiijinayaa in maanta aan soo galnay Bukavu, berri waxaan sii wadi doonaa hawlgalka nadiifinta magaalada."

Ciidamada Kongo ayaa si degdeg ah uga jawaabin codsiga warbixinta. Laba qof oo ka tirsan dadka deggan qeybta waqooyi ee Bukavu, gaar ahaan deegaanka Bagira, ayaa sheegay in ay arkeen dagaalyahannada magaalada gudaheeda iyada oo aanay jirin wax dagaal ah oo dhacaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM