Madaxweynaha Cameroon oo ugu dambeyn shaashadaha kasoo muuqdey

Image
Paul Biya oo 91 jir ah ayaa markii ugu horeysay lagu arkay meel fagaare ah muddo lix todobaad ah.

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Cameroon Paul Biya oo 91 jir ah ayaa markii ugu horeysay lagu arkay meel fagaare ah muddo lix todobaad ah iyada oo la hadal hayo xaaladiisa caafimaad oo liidata.

Ka maqnaanshihiisa indhaha bulshada ayaa keentay warar aan sal iyo raad toona lahayn oo ku saabsan dhimashadiisa.

Laakin galabnimadii isniinta taleefishinka qaranka ayaa soo bandhigay muuqaalka madaxweynaha oo ka soo degay garoonka diyaaradaha ee caasimadda Yaoundé, isagoo ka duulaya Switzerland.

Dawladdu waxay ka mamnuucday warbaahinta inay ka hadlaan caafimaadka Biya - oo xukunka haysa tan iyo 1982 - iyada oo u kala saaraysa arrin ku saabsan amniga qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Eritrea oo Ballanqaaday inay Itoobiya kahor istaagayaan Badda Cas

Madaxweyne el-Sissi, oo khudbad ka jeediyay July 7, ayaa sheegay: “Ciddii isku dayda inay wiiqdo madax-bannaanida Soomaaliya.

  • Afrika

    12-07-2025

  • 07:52PM

Cameroon: Madaxweynaha ugu da'da weyn Caalamka oo 40 sano kadib xukunka wareejinaya

Madaxweyne Biya ayaa inta badan caafimaadkiisu liitaa waxaana marar badan lagu arkaa isbitaallo dibadda ah.

  • Afrika

    12-07-2025

  • 09:45AM