Madaxweynaha golaha Madax-banaanida Sudan oo Jubba gaaray

Image

KHARTOUM, Suudaan - Madaxweynaha golaha Madax-banaanida Suudaan ahna taliyaha ciidamada qalabka sida, Cabdifataax Al-Burhaan ayaa gaaray magaaladda Jubba ee caasimada wadanka koonfurta Suudaan.

Alburhaan oo uu soo dhaweeyay Silvakiir Mayardiid ayaa la filayaa in ay ka wada hadlaan colaada wadanka Suudaan.

Booqashooyinka uu ku tagay gobalada wadankaasi iyo dalalka dariska ayaa muujiyay in Milatarigu ay ku gacan sareeyaan dagaalkii xoogaga " Dacm-Sariic".

Sidoo kale gudaha caasimada Khartoum gaar ahaan xaafadaha dadweynaha waxaa ka socda hawlgalo baacsi ah oo Milatariga Suudaan ay sheegeen in ay gudaha xaafadaha kaga sifaynayaan xoogaga " Dacm-sariic" oo guryaha xoog ku dagay kadib markii xeryahoodii ay duqeymo ku baabi'iyeen Milatariga wadanka.

Hogaamiyihii xoogaga "Dacm-sariic", Maxamed Xamdaan Daghlo "Ximaydti" ayaan dhawaanahan war iyo wacaal laga hayn iyada oo wararka qeyb ay shaki galiyaan noloshiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM