Madaxweynaha Jabuuti oo si kulul uga hadlay afgambigii Gabon

Image

JABUUTI, Jabuuti - Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay afgambigii lagu eryay madaxweyne Cali Bongo ee ka qabsoomay dalka qaniga ku ah shidaalka ee Gabon

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa cambaareeyay mowqifka ciidamada, isagoo carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in la ixtiraamo hay’adaha dastuuriga ah.

Guddoomiyaha urur-goboledka IGAD ayaa ugu baaqay ciidamada in ay dib ugu soo celiyaan xukunka madaxda la doortay, isla markaana ay ka fogaadaan wax kasta oo khalkhal gelinaya ammaanka dalka Gabon iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

Ilaalada Madaxtooyada Gabon ayaa abaabulay afgambi militari oo arbacadii ka dhacay dalkaas oo lagu baabi’iyay natiijadii doorashada uu dhawaan ku guuleystay madaxweyne Cali Bongo.

Iyada oo Beesha Caalamka ay cambaareysay afgambiga, ayaa waxaa soo dhaweeyay mucaaradka Gabon kuwaas sheegay in ay u mahadcelinayaan ciidamada, waxayna ka codsadeen in ay isugu yimaadaan kulan looga hadlayo mustaqbalka dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WAR CUSUB: Congo oo diiday Qunsul ay Kenya u dirtay magaalada Goma oo Mucaaradka haysto

Fallaagada M23, oo marar badan lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah dadka rayidka ah, ayaa sanadkan ku fiday dhul ballaaran oo ku yaalla bariga Congo.

  • Afrika

    17-08-2025

  • 01:51PM

Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika oo Loo Magacaabay Taliye Cusub

Qaaradda Afrika waa mid leh dhaqaale si degdeg ah u kobcaya iyo bulsho da’yar ah oo rajo u ah dimoqraadiyadda.

  • Afrika

    16-08-2025

  • 09:02AM