Madaxweynaha Koonfur Afrika oo dhaliilaya Golaha Ammaanka UN-ka

Image
Cyril Ramaphosa ayaa hadalkan ka hor fadhiga golaha sheegay golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

CAPE TOWN, South Africa - Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa ku baaqay in dib u habeyn lagu sameeyo Qaramada Midoobay, isagoo ka hor fadhiga golaha sheegay golaha loo dhan yahay in golaha ammaanku "uusan hadda taam u ahayn" inuu wax ka qabto caqabadaha hadda jira.

"In masiirka amniga aduunka gacanta loo geliyo dad yar oo la soo xulay marka ay tahay aqlabiyada ugu badan ee qaadaya khatarta ugu badan waa cadaalad darro, iyo waar aan la sii wadi karin," Ramaphosa ayaa Axaddii ka sheegay shirwaynaha mustaqbalka ee Qaramada Midoobay ee New York.

Isagoo iftiiminaya dagaallada socda, iskahorimaadyada, iyo dhibaatada cimilada, wuxuu carrabka ku adkeeyay in qaab-dhismeedka Golaha Ammaanku "uusan matalin dhammaan waddamada" oo uu ku guuldareysto inuu tixgeliyo fikrado kala duwan.

Ramaphosa waxa uu ku tilmaamay Heshiiska Mustaqbalka, ee uu ansixiyay Golaha Guud, inuu yahay fursad uu ku “dib u soo nooleeyo nidaamka dhinacyo badan leh” iyo inuu fuliyo ballamihii dib u habaynta maamulka caalamiga ah, oo ay ku jiraan Golaha Ammaanka iyo hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Koonfur Afrika oo Shaqada ka Joojiyay Wasiirka Booliska kadib Eedeymo culus

Waxaa la filayaa in baaritaanka guddiga uu saameyn ballaaran ku yeelan doono kalsoonida dadweynaha ee hay’adaha amniga iyo hufnaanta dowladda.

  • Afrika

    14-07-2025

  • 12:16PM

Masar iyo Eritrea oo Ballanqaaday inay Itoobiya kahor istaagayaan Badda Cas

Madaxweyne el-Sissi, oo khudbad ka jeediyay July 7, ayaa sheegay: “Ciddii isku dayda inay wiiqdo madax-bannaanida Soomaaliya.

  • Afrika

    12-07-2025

  • 07:52PM