Madaxweynaha Tanzania oo Gabadheeda iyo Ninkeeda kusoo dartay Gollaha Wasiiradda

Image

DAR ES SALAAM, 18 NOVEMBER 2025 – Madaxweynaha Tanzania, Samia Suluhu Hassan, ayaa magacaawday gabadheeda, Wanu Hafidh Ameir, inay noqoto wasiir ku xigeenka cusub ee waxbarashada, iyadoo qayb ka ah dib-u-habeyn ballaaran oo ka dhacday xukuumadda.

Hafidh Ameir, oo 43 jir ah, waa Xildhibaan ka tirsan degmada Makunduchi ee jasiiradda Zanzibar. Waxay ku guuleysatay kursigeeda baarlamaanka doorashadii guud ee 29-ka Oktoobar 2025 iyadoo ka tirsan xisbiga talada haya ee Chama Cha Mapinduzi (CCM), kaasoo sidoo kale taageeray ololaha madaxtinimo ee hooyadeed, Suluhu Hassan.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka. Mchengerwa, 46 jir, ayaa sidoo kale ah Xildhibaan ka tirsan degmada Rufiji ee gobolka Pwani.

Wiilka madaxweynaha hore ee TanzSidoo kale, Madaxweynaha ayaa magacaawday ninka Wanu Hafidh Ameir, Mohamed Mchengerwa, inuu noqdo Wasiirka Caafimaadka. ania, Jakaya Kikwete, Ridhwani Kikwete, ayaa sidoo kale loo magacaabay wasiir ka tirsan xafiiska Madaxweynaha, isagoo mas’uul ka noqon doona Maamulka Adeegga Dadweynaha iyo Hogaaminta Wanaagsan. Ridhwani, 46 jir, ayaa ah xildhibaan ka tirsan CCM, wakiilka degmada Chalinze ee gobolka Pwani.

Madaxweynaha Suluhu Hassan, oo lagu dhawaaqay inay ku guuleysatay doorashadii madaxtinimo ee Oktoobar 29 iyada oo heshay ku dhawaad 98% codadka, ayaa magacaawday 27 wasiir iyo 29 wasiir ku xigeen oo ka tirsan golaha cusub ee xukuumadda.

Toddobo mas’uul oo sare, oo ka tirsanaa xukuumaddii hore, ayaa laga qaaday xilalkooda, waxaana ka mid ah Wasiirkii hore ee Tamarta Doto Biteko, Hussein Bashe (beeraha), iyo Selemani Jafo (ganacsiga).

Xukuumadda cusub, Khamis Mussa Omar ayaa loo magacaabay Wasiirka Maaliyadda, halka Mahmoud Thabit Kombo uu sii hayo xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda. Prof. Adolf Mkenda ayaa loo magacaabay Wasiirka Waxbarashada, Wanu Hafidh Ameir-na ayaa noqon doonta wasiir ku xigeenka. Daniel Chongolo ayaa hogaamin doona Wasaaradda Beeraha, halka Judith Kapinga ay noqon doonto Wasiirka Warshadaha iyo Ganacsiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM

Aliko Dangote oo dhisaya dhuun shidaal oo Itoobiya iyo Jabuuti isku xiri doonta

Jabuuti ayaa iyaduna ka faa’iidi doonta mashruuca, iyadoo la filayo inay kordhaan shaqooyinka, dhaqdhaqaaqa dekedda iyo dakhliga dowladda.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 05:29AM