Madaxweynaha Zimbabwe ee qorsheynaya inuu xukunka hayo inta ka dhiman cimrigiisa

Image

HARARE – Madaxweynaha dalka Zimbabwe, Emmerson Mnangagwa, oo loo yaqaanno "Yaxaaska" (The Crocodile) sababo la xiriira xeeladdiisa dhanka siyaasadda, ayaa hadda u muuqda mid doonaya inuu si adag ugu sii dhago kursiga madaxtinimada ee dalkaas.

Toddobaadkii la soo dhaafay, baarlamaanka Zimbabwe ayaa bilaabay dhageysiga qabyo-qoraal sharciyeed cusub kaas oo ay horay u ansixiyeen gollaha wasiirada ee xisbiga talada haya ee Zanu-PF. Sharcigan ayaa ujeeddadiisu tahay in wax ka beddel lagu sameeyo dastuurka dalka, si muddada xafiiska ee Mnangagwa loogu kordhiyo labo sano oo dheeri ah, taas oo ka dhigaysa inuu xilka hayo illaa sannadka 2030-ka.

Isbeddelka Doorashada iyo dastuurka waxaa ku dhex jira qodob kale oo aad u culus: Madaxweynaha dalka laguma soo dooran doono cod dadweyne, balse waxaa soo dooran doona xubnaha baarlamaanka.

Hopewell Chin’ono oo ah weriye baaritaanada sameeya isla markaana u ololeeya la dagaallanka musuqmaasuqa, ayaa yiri: “Arrintan oo dhan waxaa kaxaynaya rabitaankiisa ah inuu xukunka ku dhex dhinto.”

Xeeladda "Dib u Bilaabista" Muddada Xilka Chin’ono ayaa intaas ku daray in wax ka beddelka dastuurka ay u oggolaanayso Mnangagwa inuu ku doodo inuu u tartami karo muddo xileed saddexaad. Qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha Afrika, laga soo bilaabo Ivory Coast illaa Uganda, ayaa horay ugu guulaystay inay ku doodaan in dastuur cusub uu tirtirayo muddadii hore ee xafiiska, uuna u oggolaanayo inay dib u bilaabaan tirinta xukunka.

Mnangagwa, oo si rasmi ah loo sheegay inuu jiro 83 sano (inkastoo qaar ay sheegaan inuu intaas ka weyn yahay), ayaa haddii uu helo labo muddo xileed oo min toddobo sano ah laga bilaabo 2030-ka, waxay taasi ka dhigan tahay inuu xukunka hayn karo illaa uu ka gaaro 101 sano. Tani waxay ka dhigaysaa madaxweyne noloshiisa inta ka dhiman xukumaya dalka, sidii Robert Mugabe oo xilka laga tuuray isagoo 93 jir ah.

Mowqifka Dawladda Christopher Vandome oo khabiir ku ah arrimaha koonfurta Afrika kana tirsan machadka Chatham House ee dalka Ingiriiska, ayaa sheegay: “Ujeedka halkan ka muuqda waa in dabiicadda loo oggolaado inay shaqadeeda qabsato (geerida) ka hor intaysan dimuqraadiyaddu shaqayn.”

Dhanka kale, dawladda Zimbabwe ayaa difaacday sharcigan, iyadoo sheegtay in ujeeddadu tahay oo kaliya in la is waafajiyo muddada xilka ee baarlamaanka iyo madaxtooyada oo laga dhigayo toddobo sano, balse aysan ahayn in xukunka loogu sii dheereeyo Mnangagwa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo Taageeray Hindisaha Shiinaha iyo Pakistan ee lagu joojinayo dagaalka Iran

Wuxuu hoosta ka xariiqay in qaaradda Afrika ay si gaar ah u dareemayso saameynta dhaqaale ee ka dhalatay iska horimaadkan.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 11:52AM

Ibraahim Traore: "Iska Hilmaama Dimuqraadiyadda, Way Na Laynaysaa"

Hadalka Traore ayaa ku soo beegmaya xilli ururka xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch uu soo saaray warbixin naxdin leh.

  • Afrika

    04-04-2026

  • 08:19AM