Madaxweyne Afwerki oo dhaliilay doorka Qaramada Midoobay ee gobolka Geeska Afrika

Image

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa si adag u dhaliilay Qaramada Midoobay, isaga oo ku eedeeyay in aanay wax ku ool ahayn marka ay timaaddo xalinta khilaafaadka ka taagan Geeska Afrika.

Afwerki oo la kulmay Guang Cong, ergayga cusub ee UN-ka u qaabilsan Geeska Afrika, ayaa sheegay in hay’addu “aanay wax natiijo ah ka keenin” dadaallada nabadeed inkastoo ay heshay taageero ballaaran oo ka timid dalalka xubnaha ka ah.

Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Meskel, ayaa sheegay in kulanka lagu soo qaaday arrimo ku saabsan horumarinta gobolka, halkaas oo Afwerki uu ku muujiyay walaac ku saabsan ciidan-ilaalinta nabadda ee loo diro dalal kala duwan “iyadoo aan la haysan hannaan isla-xisaabtan adag iyo aragti dhammaystiran.” Wuxuu sheegay in nidaamyo noocaas ahi aanay horseedi karin xal waara.

Sida ay qortay Addis Standard, Afwerki wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in guul-darrada hawlaha Qaramada Midoobay aan lagu eedayn hay’adda oo keliya, balse ay ka tarjumeyso “nidaamka caalamiga ah ee hadda jira oo qaldan.”

Madaxweynaha Eritrea, oo hore uga digay in Itoobiya ay abuuri karto xiisado cusub oo gobolka ah, ayaa si gaar ah u dhaliilay ururrada gobolka, isaga oo ku sheegay in waxtarkooda ay “wiiqeen farogelinno shisheeye” kuwaas oo, sida uu hadalka u dhigay, ka dhigay “aalado lagu fuliyaa dano aan goboleed ahayn.”

Arrimaha Sudan

Isaga oo ka hadlayay xaalada Sudan, Afwerki wuxuu mar kale xaqiijiyay “xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga” labada dal. Wuxuu xusay in Eritrea ay 2022 soo gudbisay warbixin siyaasadeed oo ku saabsan abuurista “qaab-dawladeed dadweyne oo ku dhisan dhalashada,” si loo taageero dadaallada nabadeed ee Sudan.

Si kastaba ha ahaatee, Afwerki wuxuu sheegay in hindisahaas uusan horumar badan sameyn “sababtoo ah farogelin dibadeed,” taas oo uu ku eedeeyay inay ka sii dartay colaadda dalkaas ka taagan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka Carabta oo ku baaqay xabbad-joojin degdeg ah oo laga sameeyo Itoobiya

Imaaraadka ayaa sheegay in xaaladda cusub ay khatar ku tahay midnimada, madaxbannaanida iyo xasilloonida Itoobiya.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 12:34PM

Aliko Dangote oo dhisaya dhuun shidaal oo Itoobiya iyo Jabuuti isku xiri doonta

Jabuuti ayaa iyaduna ka faa’iidi doonta mashruuca, iyadoo la filayo inay kordhaan shaqooyinka, dhaqdhaqaaqa dekedda iyo dakhliga dowladda.

  • Afrika

    26-09-2026

  • 05:29AM