Madaxweyne Ku-Xigeenka Kenya oo Xilka Laga Qaaday Iyadoo uu Ku Sugnaa Isbitaal

Image

NAIROBI-Kenya - Senatarada Kenya ayaa u codeeyay in ay xilka ka tuuraan Madaxweyne Ku-Xigeenka Rigathi Gachagua, inkastoo uu ka maqnaa maxkamaddiisa xil-ka-xayuubinta, iyadoo qareenkiisu sheegay inuu xanuun awgiis isbitaal ku jiro. Arrintan ayaa ka mid ahayd dhacdooyinka ugu xiisaha badan ee ka dhacay siyaasadda Kenya dhawaanahan.

Gachagua, oo loo yaqaanno “Riggy G,” ayaa lagu waday inuu ka soo muuqdo fadhiga Senatka kaddib qadada si uu isuga difaaco eedaha loo soo jeediyay, maalin kaddib markii uu iska fogeeyay 11 dacwadood oo lagu soo oogay. Si kastaba ha ahaatee, Gachagua ma soo xaadirin maxkamadda, qareenkiisana wuxuu dalbaday in kiiska dib loo dhigo isagoo sheegay in macmiilkiisu la xanuunsanayo xanuun xabadka ah oo lagu daweynayo Isbitaal la yiraahdo Karen.

Inkasta oo codsi dib-u-dhigis ah la sameeyay, senatarada ayaa go’aansaday in ay sii wadaan dhageysiga dacwadda isaga oo maqan, taasoo keentay in kooxda difaaca ay ka baxdo hoolka maxkamadda.

Xil Ka Qaadis Iyadoo Aan Suganayn

Senatka Kenya ayaa u codeeyay in ay xilka ka xayuubiyaan Gachagua iyadoo aan sugin in uu soo kabsado ama kasoo muuqdo maxkamadda. Go’aankan ayaa yimid inkastoo qareenkiisu ku adkaystay in xaaladdiisu caafimaad aysan u saamaxaynin inuu maxkamadda kasoo xaadiro. Diidmada dib-u-dhigista ee Senatka ayaa muujinaysa sida ay uga go’an tahay inay xilka ka tuuraan Gachagua, xilli dhowr bilood ka hor uu khilaaf xoogan soo kala dhex galay isaga iyo Madaxweyne William Ruto.

Dhowr maalmood ka hor, Xildhibaannada Golaha Baarlamaanka (National Assembly) ayaa cod aqlabiyad leh ugu codeeyay in la casilo Gachagua, taasoo gogol-xaar u ahayd laba maalmood oo maxkamadeyntiisa Senatku socotay. Khilaafkan wuxuu soo shaac baxay bishii Juun, markaas oo Gachagua si qaawan ah u weeraray madaxa hay’adda sirdoonka, isaga oo ku eedeeyay inaysan si wanaagsan uga warbixin kacdoonnada dadweynaha ee ka dhashay canshuuraha muranka dhaliyay.

Dacwadaha iyo Khilaafka Siyaasadeed

Gachagua, oo ah ganacsade hodan ah oo ka soo jeeda gobolka Mount Kenya ee aadka looga codeeyo, ayaa ka soo muuqday maxkamadda subaxnimadii fadhiga hore ee dhageysiga, balse markii dambe ayuu sheegay in xil-ka-qaadista lagu sameeyay ay ahayd “dil siyaasadeed”. Senatarada ayaa u codeeyay si aqlabiyad leh in lagu helo dacwadda ugu horreysay oo musuqmaasuq ah, taas oo keentay in si rasmi ah looga qaado xilka madaxweyne ku xigeen.

Eedaha kale ee loo haystay waxaa ka mid ahaa kicinta qowmiyadaha iyo ka hor-imaanshaha dowladda, arrimahaas oo dhaliyay guux siyaasadeed oo muddo soo taagnaa. Ruto iyo Gachagua, oo labo sano ka hor isla soo baxay oo isla doorashadii ku guuleystay, ayaa hadda si rasmi ah u kala tagey.

Isbeddelada Siyaasadeed

Madaxweyne Ruto weli kama uusan hadlin xil-ka-xayuubinta ku xigeenkiisa, iyadoo warbaahinta Kenya ay durba soo warinayso suurtogalnimada qofka badali doona Gachagua. Waxaa la sheegay in afar qof oo kale lagu xusay warbixinada kala duwan ee warbaahinta. Arrintani waxay si weyn u xoojisay awoodda Madaxweyne Ruto oo dhowaanahan la tacaalayay loolan iyo khilaafyo siyaasadeed oo gudaha ah.

Gachagua, oo 59 jir ah, ayaa la sheegay inuu ku sugan yahay isbitaal, isagoo lagu daweynayo xanuunka wadnaha, inkastoo ay xaaladdiisu degan tahay sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters. Waxaa la filayaa in uu ku dhaqaaqo racfaan haddii xilka laga tuuro, laakiin codka Senatka ayaa si weyn u adkeynaya in go’aankan uu sii taagnaado.

Codbixintan ayaa soo afjartay bilooyin fowdo ah oo ka dhex jirtey dowladda dhexe, taasoo xoojisay gacan-ku-haynta Madaxweyne Ruto ee awoodda dalka.

Garowe Online

Related Articles

Madaxweyne Ku-Xigeenka Kenya oo Xilka Laga Qaaday Iyadoo uu Ku Sugnaa Isbitaal

Gachagua, oo 59 jir ah, ayaa la sheegay inuu ku sugan yahay isbitaal, isagoo lagu daweynayo….

  • Afrika

    17-10-2024

  • 09:28PM

Madaxweyne Ku-Xigeenka Kenya oo Xilka Laga Qaaday Iyadoo uu Ku Sugnaa Isbitaal

Gachagua, oo 59 jir ah, ayaa la sheegay inuu ku sugan yahay isbitaal, isagoo lagu daweynayo….

  • Afrika

    17-10-2024

  • 09:28PM