Madaxweynihii xilka laga tuuray ee Gabon oo loo fasaxay in uu dibadda u safro

Image

LIBREVILLE, Gabon - Madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Gabon, General Brice Olegé Nguema, ayaa ku dhawaaqay in madaxweynihii xilka laga tuuray ee Cali Bongo Ondimba uu xor u yahay inuu dhaqaaqo iyo in uu u safri dalka dibaddiisa haddii uu doono.

Bongo ayaa xabsi guri ku jiray tan iyo markii ay ciidamadu afgambi aan dhiig ku daadan ku afgambiyeen 30-kii Agoosto kadib markii uu xukunka hayay muddo 14 sano ah.

Colonel Ulrich Manfumbi ayaa telefishinka qaranka ka akhriyay bayaan uu ku saxeexan yahay General Olighi, oo hogaaminayay afgambiga, waxaana Isniintii loo dhaariyay inuu yahay madaxweynaha ku meel gaarka ah ee dalkaasi.

War saxaafadeedka ayaa lagu yiri, "Marka la eego xaaladdiisa caafimaad, Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda, Ali Bongo Ondimba, kama qaadi doonno xorriyadda dhaqdhaqaaqa, waxaa laga yaabaa, haddii uu rabo, inuu u dhoofo dibadda si uu u soo maro baaritaankiisa caafimaad."

Bongo waxaa ku dhacay istaroog bishii Oktoobar 2018, kaasoo ka dhigay inuu jir ahaan naafoobo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM