Malawi: Aaska madaxwayne ku xigeen oo dhimasho horleh sababtay

Image

NAIROBI, Kenya - Afar qof oo ay ku jirto haweeney uur leh ayaa dhintay kadib markii gaarigii ay la socdeen uu darawalka isku dayay inuu ka fogaado kolonyada waday meydka madaxweyne ku xigeenka Malawi, Saulos Chilima, uu ku dhacay dad u baroor diiqayay mas'uulkan geeriyoodey, sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Sidoo kale, ku dhowaad 12 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay shilkaasi oo dhacay habeenimadii Axadda, waxaana dhamaantooda lagu daweynayaa isbitaal ku yaala caasimadda.

Shilkan ayaa daba socday isku dhacyo dhex maray dadka deegaanka, booliiska iyo askartii galbinaysay kolonyada aaska madaxweyne ku xigeenka oo ka soo ambabaxay caasimadda Lilongwe, una socday tuulada uu ka soo jeedo si loogu aaso.

Mr Chilima ayaa ku dhintay shil diyaaradeed toddobaad ka hor, waxaana Isniintii lagu aasay degmada uu ka soo jeedo ee Ntcheu, oo qiyaastii 180 km (112 mayl) koonfur ka xigta caasimadda.

Intii ay socotay aaska, qaar ka mid ah dadkii baroor-diiqda qeybta ka ahaa ahaa ayaa qaaday heeso ay ku dhaleeceeyeen madaxweynaha haatan xilka haya ee Lazarus Chakwera.

Shilkan baabuur ayaa dhacay habeenimadii Axadda, iyadoo kumannaan qof ay isugu soo baxeen waddooyinka si ay u arkaan naxashka meydka madaxwayne ku xigeenka oo loo waday aaska. Muuqaallo ku faafay internet-ka ayaa la arkayay shacabka oo ku qaylinaya erayo ay ugu duceynayaan Saulos Chilima iyo qoyskiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM