Mali: Askar Faransiis ah oo ku nafweyday qarax miino

Image

PARIS, France - Laba askari oo Faransiis ah ayaa lagu dilay Mali Sabtidii markii qarax loo adeegsaday (IED) uu haleelay gaarigooda, xafiiska madaxweynaha Emmanuel Macron ayaa sidaas yiri.

Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Faransiiska ayaa lagu sheegay in qaraxu ka dhacay goor dambe oo subaxnimadii Sabtida ahayd gobolka bariga Mali ku yaala ee Menaka.

"Yvonne Huynh iyo Loic Risser ayaa la beegsaday iyaga oo aagga kawada howlo sirdoon," ayaa lagu yiri bayaanka.

Askari seddexaad oo Faransiis ah ayaaa sidoo kale waxaa soo gaaray dhaawacyo lagu qeexay "kuwa aan halis ku ahayn nafsadiisa".

Dhimashada Huynh iyo Risser waxay ka dhigeysaa 50 tirada askarta Faransiiska ee lagu diley wadanka dhaca galbeedka Africa tan iyo markii France uu faragalintiisa dalkaas bilaabay 2013 si uu gacan uga geysto jebinta kooxaha hubeysan ee ku xiran Al-qaacida.

Sidoo kale waa markii labaad ee askar Faransiis ah lagu dilo dalka Mali isbuucii la soo dhaafay.

Bishii Diseembar 29, seddex askari oo Faransiis ah ayaa dhintay ka dib markii gaari gaashaaman oo ay saarnaayeen la kacdey miinada IED aagga Hombori ee gobolka Mopti ee bartamaha Mali.

Maleyshiyadda gacansaarka la leh Al-Qaacida ee GSIM ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkaas kadib bayaan ay soo saartay shalay oo Sabti ahayd kuna faafisay barnaamijkeeda dacaayadaha ee Al-Zallaqa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM