Mali iyo Burkina Faso oo ballan qaaday inay difaaci doonaan afgambiga Niger

Image

NIGER - Mali iyo Burkina Faso ayaa soo saaray bayaan ay si adag uga jawaabeen hadalkii ka soo yeeray Ururka Dhaqaalaha ee Galbeedka Afrika (ECOWAS), kaas oo ku hanjabay in tallaabo militari ay ka qaadi doonaan kooxdii ka dambeysey afgambigii Niger.

Hogaamiyayaasha Mali iyo Burkina Faso ayaa sheegay in faragelin kasta oo militari ah oo lagu sameeyo Niger si Madaxweyne Maxamed Bazoum loogu soo celiyo xukunka ay la macno tahay in lagu qaaday dagaal.

Maamulka labada dal ayaa sidoo kale ka digay in faragelin kasta oo militari ah oo ka dhan ah Niger ay horseedi doonto in Burkina Faso iyo Mali ay ka baxaan urur goboleedka ECOWAS.

Waxa kale ay qeexeen cawaaqib xumada ka dhalan karta faragelinta milatari ee Niger, iyo khalkhalgelinta ay gobolka ku keeni karto.

Labada dal ayaa muujiyay diidmadooda in Niger la saaro waxa ay ku tilmaameen cunaqabatayn sharci-darro ah, taasoo ka dhan ah dadka iyo maamulka Niger.

War kale oo ka soo baxay maamulka Guinea ayaa lagu sheegay in ay ka soo horjeedaan cunaqabateynta ay ECOWAS ku soo rogtay Niger. Waxaa xusid mudan in maamulka saddexda wadan ee diiday cunaqabataynta la saarayo Niger ay ku yimaadeen afgambi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM