Mareykanka: Awooda Al-Shabaab ee Kenya way is-dhintay

Image

WASHINGTON, USA – Ka dib markii ciidamadiisa uu kala baxay Soomaaliya lana sheegay in ay u wareegeen wadamadda Jabuuti iyo Kenya, dowlada Mareykanka wuxuu sheegay in awoodda al-Shabaab ee ah inay weerarro ballaaran ka geysato Kenya si aad ah hoos loogu dhigay.

John Godfrey, oo ah ku simaha isku duwaha la dagaalanka argagixisada ahna sii hayaha ergeyga gaarka ah ee isbahaysiga caalamiga ah ee ka hortaga ISIS, ayaa ka sheegay websaydhka 11-kii Maarso, in Mareykanka oo kaashanaya Kenya ay horumar ka sameeyeen ka hortagga awooda A-Shabaab ee qorsheynta iyo fulinta weerarada abaabulan ee gudaha dalka Kenya.

"Marka laga soo tago xoojinta awooda militari, waxaan awood u yeelanay inaan ka caawinno Kenya dhisida awooda garsoor ee ay ku qabato kuna maxkamadeyso argagixisada, taas oo qeyb ka ah talaabooyinka shacabka ee lagula dagaalamayo argagixisada. In kasta oo weerarkii Manda Bay uu ahaa mid laga qoomameeyo, haddana wuxuu ka mid yahay xaaladaha go'doonsan ee sii yaraanaya," ayuu hoosta ka xariiqay Mr Godfrey oo qoraal soo saarey.

In kasta oo ay hubisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, haddana falanqeeyayaashu waxay ka walaacsan yihiin in Al-Shabaab ay u adeegsato waqti xaadirkan weerarada ka dhanka ah dowladda Kenya in ay qorato dagaalameyaal maxalli ah oo kaga howlgala gudaha dalka Kenya.

Al-Shabaab ayaa weerartay xeradda Manda Bay ee Lamu, halkaas oo ay ku dishay saddex ka mid ah askarta Mareykanka u shaqeynayay Janaayo 2020.

Waxaa jiray warar la isla dhexmarayay oo ku saabsan in weerarka uu soo dadajiyay bixitaankii Janaayo 2020 ee 800 oo askari Mareykan ah oo ku sugnaa Soomaaliya, kuwaas oo si dhow ula shaqeynayay Howlgalka Midowga Afrika iyo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed si gaar ah kumaandooska Danab.

Bishii Oktoobar, Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa amar ku bixiyay in ciidamada Mareykanka laga soo saaro Soomaaliya si uu u fuliyo ballanqaadkiisii ololihii 2016 ee ahaa in askarta Mareykanka laga soo celiyo meelaha ay ka mid yihiin Afghanistan, Syria, iyo Germany.

Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka weli waxay dhabaha u xaareysaa in Maamulka Joe Biden uu ka shaqeyn doono ka noqoshada amarka iyo dib-u-dajinta ciidamada Soomaaliya iyadoo qeyb ka ah qorshaheeda dib loogu soo nooleeyay ee ka dhanka ah argagixisadda Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM