Mareykanka oo $300 milyan ugu deeqay dowladda Itoobiya

Image
Shaacintan ayaa timid kadib markii ay kulmeen ra'iisul wasaare Abiy Axmed iyo Xoghaye Blinken.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka iyo Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID) ayaa in ka badan 331 milyan oo doollar oo gargaar ugu deeqay Itoobiya.

Taakuladan ayaa waxaa loogu talagalay wax ka qabashadda arrimaha bini'aadantinimada ayaa la bixin doonaa sannad-maaliyadeedka 2023, sidda ku xusan war-saxaafadeed rasmi ah.

"Lacagtan ayaa gacan ka geysan doonta taageeridda dadka ay saameeyeen colaadaha, abaaraha, iyo cunto yarida dalka oo dhan," ayaa la raaciyey bayaankan oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda

Mucaawinadan ayaa isugu jirta $12 milyan oo ay ka timid Xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dadweynaha, Qaxootiga, iyo Socdaalka iyo in ka badan $319 milyan oo ay ka heshay USAID.

"Tani waxay ka dhigeysaa wadarta guud ee gargaarka bini'aadantinimo ee Mareykanka ee gobolka in ka badan $780 milyan sanad maaliyadeedka 2023," ayaa la raaciyey qoraalka.

Maaddaama uu yahay dalka ugu weyn ee Itoobiya ay ka heshay deeqaha bini'aadantinimada ugu weyn, Ameerikaanka ayaa doonaya in uu dib u soo celiyo saameyntiisa gobolka Geeska Afrika.

"Shaacintan ayaa hoosta ka xariiqaysa sida ay uga go’an tahay Maraykanka xoojinta iskaashiga Afrika, wuxuuna sii wadi doonaa taageeridashacabka Itoobiya ee la kulmaya caqabado kala duwan," ayaa lagu soo xiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM