Mareykanka oo Kenya u diray digniin la xiriirta Al-Shabaab

Image

NAIROBI, Kenya – Hay'adda Duulista Hawada ee Federaalka Mareykanka oo magaceeda loosoo gaabiyo FAA ayaa waxay ka digeysaa in dagaalameyaasha Al-Shabaab ay bartilmaameedsan karaan diyaaradaha isaga kala gooshaya hawadda Kenya oo xuduud la leh fariisinkooda Soomaaliya.

In kasta oo Al-Shabaab aysan waligood diyaarad ku weerarin hawadda Kenya, haddana Mareykanka ayaa xusay in warbixinnada sirdoonka ay muujinayaan in kooxda ay maleegeyso qorshe noocaas ah.

Digniintan ayaa timid bilo kadib markii Nairobi ay diiday codsi uga yimid Washington oo ahaa in duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab laga bilaabo gudaha waddanka Kenya.

Taliska Mareykanka ee Afrika wuxuu Janaayo, 2021 kala baxay Soomaaliya askartii ka joogtay badankoodna waxaa loo wareejiyay meelo kale oo ka tirsan Bariga Afrika, iyadoo wararku tilmaamayaan in qaarkood ay yimaadeen Kenya halka kuwa kalena ay aadeen Jabuuti.

Tallaabadaas ayaa waxaa si weyn loogu cambaareeyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya wallow xustey in ay kama dambeys ahayn.

Al-Shabaab ayaa inta badan bartilmaameed ka dhigatay Degmooyinka Waqooyiga Xuduudaha [Wajeer, Mandheera, iyo Gaarisa] ee Kenya iyada oo xoogaa duullaanno ah ay ku soo qaaday xeebta Lamu.

Horraantii sanadkan, Guddoomiyaha Mandheera Cali Roba ayaa tibaaxay in Al-Shabaab ay maamusho boqolkiiba 50 dhul-gobaleedka, sheegashadaas oo ay naqdisay Nairobi.

Khadadka hawada ee lagu soo qaadey digniinta FAA waxaa ka mid ah kuwa isku xiraya Nairobi iyo dalalka Bariga Fog sidda Dubai [UAE], India, iyo Shiinaha, iyo meelaha kale ee ay ka hawlgalaan shirkadaha diyaaradaha waaweyn.

Sidoo kale, waxaa lagu daray khadadka diyaaradaha ismaamulada dhaca bariga Kenya sidda Garissa iyo kuwa sii-gelaya deriskooda Soomaaliya.

Iyadda oo hadii weerar noocaas ay fuliso Al-Shabaab ay noqon doonto markii ugu horeysay taariikhda iyo khatar cusub oo kusoo korortay xasiloonida Soomaaliya, haddana macluumadyadda sirdoonka waxay tusinayaan in hiigsigaas ay kooxdu lahayd waqti fog balse uu xoogeystay sanadihii dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Gaashaandhigga Mali oo lagu dilay weerar lagu qaadey hoygiisa

Ilaa subaxnimadii Axadda Maanta, dowladda Mali wali si rasmi ah uma aysan xaqiijin geerida Wasiirka Gaashaandhigga.

  • Afrika

    26-04-2026

  • 02:00PM

Dabley hubeysan oo weerarro isku dubbaridan ka geystay caasimadda Mali iyo magaalooyin kale

Si kastaba ha ahaatee, warbaahinta caalamiga ah sida Al Jazeera ma aysan si madax-bannaan u xaqiijin sheegashadaas.

  • Afrika

    25-04-2026

  • 02:49PM