Mareykanka oo qorsheynaya inuu ka qaado cunaqabataynta dalka Eritrea xilli ay taagan tahay xiisadda Badda Cas

Image

WASHINGTON D.C. — Dukumiinti gudaha ah oo ay leedahay dowladda Mareykanka, kaas oo ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa muujinaya in Mareykanku uu isu diyaarinayo inuu ka qaado cunaqabataynta saaran dalka Eritrea. Tallaabadan ayaa lagu macneeyay mid salka ku haysa muhiimadda istaraatiijiyadeed ee Eritrea ay ku leedahay marinka ganacsiga ee Badda Cas.

Qorshahan Mareykanka ayaa u muuqda mid loogu gogol xaarayo hagaajinta xiriirka labada dal, maadaama Eritrea ay leedahay xeeb dheer oo ku teedsan Badda Cas, taas oo ka soo horjeedda dalka Sacuudi Carabiya.

Falanqeeyayaasha ayaa rumeysan in dagaalka ka socda Iran iyo xirnaanshaha Marinka Hormuz ay keentay in indhaha caalamka ay dib ugu soo laabtaan Badda Cas. Marinkan ayaa ah mid muhiim u ah isku xirka ganacsiga u dhexeeya qaaradaha Aasiya iyo Yurub, waxaana Eritrea ay xilligan u muuqataa saaxiib muhiim ah oo gacan ka geysan kara sugidda amniga marinnada maraakiibta iyo sahayda shidaalka ee caalamka.

Sannadkii 2021-kii, maamulka Madaxweyne Joe Biden ayaa cunaqabatayn baahsan saaray xisbiga talada haya ee Eritrea, ciidamada qalabka sida, iyo mas'uuliyiin sarsare. Tallaabadaas ayaa timid ka dib markii lagu eedeeyay inay qayb ka ahaayeen dagaalkii ka qarxay gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya, halkaas oo ciidamada Eritrea ay ka garab dagaallamayeen ciidamada dowladda Itoobiya.

Dukumiintiga ay dirtay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa tilmaamaya in amarka fulinta ee cunaqabataynta lagu soo rogay laga laaban doono qiyaastii 4-ta May. In kasta oo xiriirka labada dal uu muddo tobannaan sano ah ahaa mid qabow, haddana ilaa hadda si rasmi ah looma sheegin xilliga shaacinta rasmiga ah ay dhacayso.

Waaxda Arrimaha Dibadda iyo tan Maaliyadda ee Mareykanka ayaan weli ka jawaabin codsiyada ku aaddan faahfaahinta go'aankan, balse isbeddelka jawiga siyaasadeed ee gobolka iyo carqaladaynta sahayda shidaalka ee ka dhalatay dagaalka Iran ayaa Eritrea ka dhigay dhinac aan laga maarmin oo miiska saaran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muhaajiriinta Afrikaanka ah ee ku nool South Africa oo wajahaya cabsi iyo weerarro ajnabi-nacayb ah

Dawladda Nayjeeriya ayaa durba bilowday qorshe ay dib ugu celinayso muwaadiniinteeda doonaya inay dalka ka baxaan.

  • Afrika

    06-05-2026

  • 12:13PM

Madaxweynaha Mali oo si Kumeel-gaar ah ula Wareegay Xilka Wasiirka Gaashaandhigga

Tallaabadan ayaa sidoo kale qayb ka ah isbeddello ballaaran oo lagu sameynayo qaab-dhismeedka amniga ee dalka Mali.

  • Afrika

    05-05-2026

  • 12:56PM