Mareykanka oo si rasmi ah ciidamadiisa ugala baxaya dalka Niger

Image
Ilaa sannadkii hore, waxa Niger joogay in ka yar 1,000 askari oo Maraykan ah ayaa joogay dalkan ay xoogga ku qabsadeen milatariga.

MUQDISHO, Soomaaliya - Mareykanka ayaa ciidamadiisa kala baxaya Niger, sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen goor dambe oo Jimcihii shalay ah.

Illaha ayaa isagoo intaa ku daray in heshiis ay wada gaareen ku xigeenka xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Kurt Campbell iyo hoggaanka Niger ay ku timid talaabadan.

Ilaa sannadkii hore, waxa Niger joogay in ka yar 1,000 askari oo Maraykan ah, halkaas oo millatariga Maraykanku ku lahaayeen laba saldhig, oo uu ku jiro saldhigga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Air Base 201 oo u dhow Agadez ee bartamaha Niger oo ay ku baxday in ka badan $ 100 milyan.

Tan iyo sanadkii 2018-kii, saldhigan waxaa loo adeegsaday beegsiga dagaalyahanada dowladda Islaamiga ah iyo Jameecadda Nusrat al-Islam wal Muslimeen, oo xiriir la leh al-Qaacida, ee gobolka Saaxil.

Sannadkii hore, ciidamada Niger ayaa xukunka kula wareegay afgambi. Ilaa afgambigii, Niger waxay sii ahaan jirtay saaxiibka muhiimka ah ee amniga ee Maraykanka iyo Faransiiska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM

WAR CUSUB: Congo oo diiday Qunsul ay Kenya u dirtay magaalada Goma oo Mucaaradka haysto

Fallaagada M23, oo marar badan lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah dadka rayidka ah, ayaa sanadkan ku fiday dhul ballaaran oo ku yaalla bariga Congo.

  • Afrika

    17-08-2025

  • 01:51PM