Mas'uul ka tirsanaa xisbiga haya taladda Itoobiya oo la dilay

Image
Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa khaarijintan waxa uu ku eedeeyay "kooxo xagjir ah".

ADDIS ABABA, Ethiopia - Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqa Sooranka ee Gobolka Axmaarada, Girma Yeshitila, ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay waqooyiga aagga Shoa ee bartamaha dalka Itoobiya.

Shan qof oo kale, oo aan heybtooda la aqoonsan, ayaa ku geeriyoodey isla falkaas. Ismaamulka Axmaarada oo bayaan soo saarey waxa uu sheegay in mas'uulka la khaarijiyey xilli uu safar ku jiray.

Sida laga soo xigtey bayaanka, Yeshitila ayaa waxa uu kasoo kicitamay aagga Mehal Meda kuna socday Debre Birhan. Weerarka ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Guasa.

Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in mas'uulka xisbiga ay dileen "xag-jirayaal rabshado wata oo aaminsan in uusan iyaga ku fikir ahayn isla markaana noqon doonin".

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Abiy ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in Girma Yeshitila lagu dilay degaankii uu ku dhashay isla markaana uu ku inta ugu badan waayahiisa caruurnimo.

Girma waxa uu xuddun u ahaa go'aankii muranka dhaliyay ee ahaa in la baabi'iyo ciidamada gaarka ah ee gobolka oo "dib u habeyn lagu sameeyo" si laga dhigo ciidan qaran, federaal iyo booliis caadi ah.

Mudaaharaadyada lagu arkay gobolka Axmaarada ee looga soo horjeedo go’aanka ayuu xusay in ay ka dhasheen hoggaan xumo dhanka guddiga loo xilsaaray dib u habeynta ciidamada gaarka ah ee gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Paul Kagame: Madaxda Afrika waxay lacagta shacabka ku maalgeliyaan dalal shisheeye

Hadalka Kagame ayaa imanaya xilli ay jiraan walaac ballaaran oo laga muujinayo musuqmaasuqa ka jira qaar ka mid ah dalalka Afrika.

  • Afrika

    27-04-2025

  • 11:31AM

Dawladda Militariga Burkina Faso oo Sheegtay Inay Fashilisay Isku Day Afgambi

Ilo amni ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in todobaadkii hore la xiray ilaa 12 askari oo ay ku jiraan laba saraakiil ah.

  • Afrika

    23-04-2025

  • 09:07AM