Masar iyo Suudaan oo kala saxiixdey heshiis milatari

Image

QAAHIRA, Masar – Dowladaha Masar iyo Suudaan ayaa qalinka ku duugay heshiis milatari kaasoo Arbacadii shalay taliyeyaasha ciidamadda labadda waddan ay ku kala saxiixdeen magaaladda caasimadda ah ee Qaahira.

Mohamed Farid, taliyaha ciidamadda Masar, iyo dhigiisa Suudaan, Mohamed Osman al-Hussein, ayaa bogaadiyey heshiiska, waxaana ay hoosta ka xariiqeen inuu meesha ka saarayo khatar ay dalalkooda wajahayaan.

Labadda sarkaal ayaa ku nuux-nuux-saday in ay Qaahira iyo Khartuum kawada shaqeynayaan sidii uu u dhaqan-geli lahaa heshiiskaas. Balse, waxay ka gaabsadeen in ay fahfaahin ka bixiyaan dulucda heshiiskaas.

Sidda uu ka dhawaajiyey Al-Hussein, xukuumadda Suudaan ayaa uga mahadcelineysa Masar taageeradeeda waqtigan aadka u adag.

Heshiiskan milatari ayaa kusoo aadaya xilli xiisadda ka taagan xuduudka Itoobiya iyo Suudaan ay sii karaar-qaadaneyso isla markaana dhowr jeer uu halkaas isku-dhac ku dhexmaray milatarigana wadamaddan deriska ah.

Saddexdan waddan waxaa sidoo kale ka dhaxeeya is-qabqabsi la xiriira biyo-xireenka webiga Nile kaasoo ay maalgelineyso dowladda China.

Dedaalo caalami ah oo lagu qaboojinayo xiisadda ayaa meel xun gaartay, waxaana si gaar ah u fashilmay qorshe maamulkii Donald Trump doonayey in uu ugu kala dab-qaado markii Addis Ababa ay diidey qodobo uu soo jeediyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM