Masar: Qorsheyaal looga hortagayo dhibaatooyinka dhaqaale

Image
SAWIR HORE

CAIRO, Egypt - Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi ayaa shalay sheegay in dhibaatada dhaqaale ee Masar ka jirta aysan isaga ka imaan, isla markaana ay tahay xaalad caalami ah.

El-Sisi wuxuu sheegay, intii uu ku guda jiray kormeer oo ku sameynayay Akadeemiyada Militariga Masar, in caabuqa Covid-19 iyo xiisadda Ruushka iyo Ukraine ay saameysay dhaqaalaha adduunka.

Madaxweynaha ayaa hadalkiisa raaciyay:

“Waxa loo baahan yahay in aan soo dhoofsano badeecooyinka aasaasiga ah, sida sarreenka, galleyda iyo saliidda cuntada”.

Dawladda Masar ayaa hiigsanaysa inay kayd ka sameysto raashinka quutul daruuriga ah oo ku filanaan doona ilaa 5 ama 6 bilood, si ay ula jaan-qaaddaan xaalad walba ee ku soo kororto dhaqaalaha caalanka..

Shacabka Masar ayaa la ildaran sicir barar baaxad leh oo ku yimid qiimaha badeecadaha, halka qiimaha lacagta dalkaas ay hoos u dhacday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

WAR CUSUB: Congo oo diiday Qunsul ay Kenya u dirtay magaalada Goma oo Mucaaradka haysto

Fallaagada M23, oo marar badan lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah dadka rayidka ah, ayaa sanadkan ku fiday dhul ballaaran oo ku yaalla bariga Congo.

  • Afrika

    17-08-2025

  • 01:51PM

Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika oo Loo Magacaabay Taliye Cusub

Qaaradda Afrika waa mid leh dhaqaale si degdeg ah u kobcaya iyo bulsho da’yar ah oo rajo u ah dimoqraadiyadda.

  • Afrika

    16-08-2025

  • 09:02AM