Masar: Qorsheyaal looga hortagayo dhibaatooyinka dhaqaale

Image
SAWIR HORE

CAIRO, Egypt - Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi ayaa shalay sheegay in dhibaatada dhaqaale ee Masar ka jirta aysan isaga ka imaan, isla markaana ay tahay xaalad caalami ah.

El-Sisi wuxuu sheegay, intii uu ku guda jiray kormeer oo ku sameynayay Akadeemiyada Militariga Masar, in caabuqa Covid-19 iyo xiisadda Ruushka iyo Ukraine ay saameysay dhaqaalaha adduunka.

Madaxweynaha ayaa hadalkiisa raaciyay:

“Waxa loo baahan yahay in aan soo dhoofsano badeecooyinka aasaasiga ah, sida sarreenka, galleyda iyo saliidda cuntada”.

Dawladda Masar ayaa hiigsanaysa inay kayd ka sameysto raashinka quutul daruuriga ah oo ku filanaan doona ilaa 5 ama 6 bilood, si ay ula jaan-qaaddaan xaalad walba ee ku soo kororto dhaqaalaha caalanka..

Shacabka Masar ayaa la ildaran sicir barar baaxad leh oo ku yimid qiimaha badeecadaha, halka qiimaha lacagta dalkaas ay hoos u dhacday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM