Masar oo Mar Kale Ka Digtay Khataraha Biyo-xireenka webiga Niil

Image

QAAHIRA - Masar ayaa markale muujisay walaac xooggan oo ay ka qabto go’aanka Itoobiya ay ku dhiseyso Biyo-xireenka Weyn ee Dib-u-curashada (GERD) ee ku yaalla webiga Nile, iyadoo sheegtay in mashruucan uu si toos ah u saameynayo qulqulka biyaha hoos u socda, taasoo wax u dhimaysa nolosha malaayiin qof.

Ra’iisul Wasaaraha Masar, Mustafa Madbouly, ayaa ku tilmaamay webiga Nile “arrin la xiriirta jiritaanka ummadda Masar, aanan la gorgortami karin,” isagoo xusay sida ay Masar si buuxda ugu tiirsan tahay webigaasi oo ah mid xuduud-dhaaf ah, xilli ay markale soo cusboonaadeen khilaafyo kala dhaxeeya Itoobiya.

Sida uu sheegay, dhulka webiga Nile uu maro ayaa sanad walba helaya roob dhan 1,660 bilyan oo mitir cubic ah, hase yeeshee kaliya ku dhowaad 84 bilyan oo mitir cubic ah — ama qiyaastii 5% — ayaa gaarta Masar iyo Suudaan, sida uu weriyay Addis Standard.

Madbouly ayaa sheegay in waddamada ku yaalla hareeraha webiga Nile ay la tacaalayaan caqabado la xiriira wadaagista kheyraadka biyaha, taasoo uu sheegay in ay saameyn ku yeelatay amniga iyo horumarka dalka Masar.

“Masar waa tusaale cad oo muujinaya caqabadahaas, iyadoo wajahaysa nidaam biyo oo adag, kheyraad xaddidan leh, islamarkaana in ka badan 98% biyaha ay ku tiirsan tahay ay yihiin kuwo xuduud-dhaaf ah, iyada oo tirada dadka sii kordhaysa iyo hoos u dhaca celceliska biyaha qofkiiba uu gaarayo meel ka hooseysa heerka baahida caalamiga ah,” ayuu yiri, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xukuumadda Masar.

Wuxuu ku eedeeyay Itoobiya in ay faafinayso fikrado khaldan oo ku saabsan lahaanshaha iyo isha biyaha webiga si ay u taageerto siyaasad u gaar ah oo aan laga tashan oo lagu maamulayo kheyraad wadaag ah.

“Inkastoo ay jiraan biyo fara badan, haddana hal dhinac ayaa si kali-talisnimo ah u sheeganaya lahaanshaha iyo isha biyaha, iyadoo baahinaysa fikrado aan sal lahayn si ay ugu cudur daarato siyaasad aan lala wadaagin oo lagu maamulayo webiga, taas oo jabinaysa sharciga caalamiga ah iyo mabaadi’da hufnaanta iyo iskaashiga,” ayuu yiri Madbouly.

Wuxuu carabka ku adkeeyay in webiga Nile uusan qof gaar ahi bixinin, balse uu yahay nidaam deegaan iyo hydrology ah oo isku xiran, si simanna ay u wadaagaan dhammaan waddamada ku yaalla barta webiga.

Itoobiya ayaa bishii la soo dhaafay si rasmi ah u bilowday howlgelinta Biyo-xireenka GERD, hase yeeshee cadaadis ayaa isa soo taraya oo kaga imaanaya waddamada kale ee webiga Nile, gaar ahaan ku saabsan sida dib loogu buuxinayo biyo-xireenka. Itoobiya waxay ku doodaysaa in aan waddan kale xaq u lahayn inuu farageliyo sida ay u isticmaasho biyaha webiga Nile.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kumanaan Kenyan ah oo isugu soo baxay Kasarani si ay u arkaan Meydka Raila Odinga

Madaxweynaha dalka, William Ruto, ayaa hogaaminayay munaasabadda, isagoo ay weheliyaan marwadii Raila.

  • Afrika

    16-10-2025

  • 05:54PM

El-Sisi iyo Al-Burhan oo ka wada hadlay Arrimaha Biyaha Webiga Niil iyo Xaalada Sudan

Lt. Gen. Al-Burhan ayaa ku mahadceliyay taageerada joogtada ah ee Masar iyo dadaalka Madaxweynaha El-Sisi.

  • Afrika

    16-10-2025

  • 10:30AM