Maxaa ka jira in Askari Mareykanka ah lagu dilay Soomaaliya?

Image

NAIROBI, Kenya - Militariga dowladda Mareykanka ayaa xaqiijiyay in aysan jirin Askari American ah oo looga dilay ama looga dhaawacay duleedka magaalada Kismaayo ee Koonfurta Soomaaliya maalintii shalay.

Afhayeenka Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa [AFRICOM], Samantha Reho ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Shiinaha, ee "Xinhua" in warka Al Shabaab ee uu yahay mid aan sax ahayn.

"Waan la soconaa wararka Al Shabaab ay sheegtay ee ah inay dishay Askari Mareykanka ah, warkaasi waa been, ma jiro Askari nalooga dilay ama lagu dhaawacay Soomaaliya," ayuu yiri Samantha.

Idaacadda Al-Shabaab, Andalus radio ayaa baahisay in Askari u dhashay dalka Mareykanka lagu dilay dagaal ka dhacay meel ku dhaw Kismaayo shalay subax.

Warka Al Shabaab ayaa yimid xilli ay Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helay kuwa AMISOM iyo Askar Mareykanka ay xoojiyeen dhawaan weerarada ay ku qaadayaan goobaha ay maamusho Kooxda.

Howlgalka oo xoogiisa hadda ka socdo gobolka Shabeellaha hoose ayaa waxay sheegeen Ciidamada xulufada inay ku burburiyeen dhowr xaruumo oo ay lahayd Al Shabaab, oo ay kamid tahay xarun Idaacadeed.

AMISOM ayaa billowday dhamaadkii sanadkii tagey "December" inay Askarteeda kala baxdo Soomaaliya, iyadoo laga saaray wadanka ilaa hadda 500 oo Askari, waxaana isku diyaarinayaan inay si buuxda dalka uga baxaan marka la gaaro 2020-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM