Maxay Burkina Faso xiriirka ugu jartay dalkii hore u gumeysan jiray ee Faransiiska?

Image

OUAGADOUGOU – Dowladda milatariga ee Burkina Faso ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay jartay xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeyay Faransiiska, oo ah dalkii gumeysan jiray, kuna eedeysay inuu wado "damac gumeysi oo casri ah" isla markaana taageero siiyo shabakado lagu tilmaamay kuwo qalalaase wada iyo argagixiso.

War-saxaafadeed ay xukuumaddu soo saartay Jimcihii ayay ku sheegtay in go'aanku dhaqan galay isla markiiba, inkastoo aysan soo bandhigin wax caddeyn ah oo taageeraysa eedeymahaas.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Faransiiska ayaa dhankeeda cambaareysay tallaabada, iyadoo afhayeenkeedu Pascal Confavreux ku tilmaamay go'aanka mid "cadowtinimo iyo sal la'aan ah," isla markaana muujinaya jihada walaaca leh ee ay qaadeen madaxda Burkina Faso.

Faransiisku wuxuu sheegay inuu dib u eegayo tallaabooyin jawaab celin ah, wuxuuna ugu baaqay muwaadiniintiisa iyo shaqaalaha dowladda ee ku sugan Burkina Faso inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah.

Burkina Faso, oo ay ku nool yihiin ku dhowaad 23 milyan oo qof, ayaa muddo sannado ah la daalaa dhacaysay weerarro ay geystaan kooxo xiriir la leh Al-Qaacida iyo Daacish, iyadoo gobolka Saaxil uu noqday mid ka mid ah meelaha ugu halista badan dunida ee ay ka jiraan falalka xagjirnimada.

Xiriirka u dhexeeyay Burkina Faso iyo Faransiiska ayaa si weyn u xumaaday tan iyo afgambigii militari ee dhacay sanadkii 2022. Kahor afgambigaas, Faransiisku wuxuu ahaa saaxiibka ugu weyn ee Burkina Faso dhinaca amniga, isagoo halkaas ku lahaa boqolaal askari oo ka qeyb qaadanayay la dagaallanka kooxaha hubeysan.

Tan iyo markii talada ay la wareegeen militariga, Burkina Faso waxay qaaday tallaabooyin isdaba joog ah oo ka dhan ah Faransiiska. Sanadkii 2023 waxay dalbatay in safiirka Faransiiska dib loogu yeero dalkiisa, sidoo kale waxay waddanka ka cayrisay isku-duwihii Qaramada Midoobay ee arrimaha bini'aadantinimada. Sannadkii 2024-na waxay masaafurisay saddex diblomaasi oo Faransiis ah, iyadoo ku eedeysay inay ku lug lahaayeen falal lagu sheegay kuwo wax u dhimaya amniga dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM