Maxay Tahay Tallaabada Laga Qaaday Gacan Ka Hadalkii Dhexmaray Xildhibaanada Kenya?

Image

Nairobi (GO) – Barlamaanka Kenya ayaa go’aan adag ka gaaray muran gacan ka hadal dhaliyey oo dhexmaray laba xildhibaan oo dumar ah, kuwaas oo lagu arkay iyagoo ku dagaalamaya gudaha xarunta baarlamaanka, taasoo si weyn uga dhex muuqatay baraha bulshada.

Xildhibaan Falhada Iimaan, oo ka tirsan baarlamaanka Kenya, ayaa muddo 90 maalmood ah laga mamnuucay inay timaaddo xarunta baarlamaanka kadib markii ay gacan ka hadal la gashay Xildhibaan Umulkheir Haruun Maxamed, oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Kenya, laguna soo doortay kuraasta loo qoondeeyey haweenka.

Go’aankaasi waxaa ku dhawaaqay Afhayeenka Golaha Shacabka, Moses Wetang’ula, kadib markii muuqaal laga duubay labadan xildhibaan oo si aad ah u faafay, muujinayay labadoodii oo ku dagaalamaya meel ka mid ah gudaha dhismaha baarlamaanka, arrintaas oo keentay falcelin xooggan oo ka timid shacabka.

Afhayeenka baarlamaanka ayaa sidoo kale amar ku bixiyay in la sameeyo baaritaan buuxa oo lagu ogaanayo waxa sababay dagaalka iyo cidda mas’uulka ka ahayd. Wuxuu intaas ku daray in tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo ku lug leh, oo ay ku jirto qofkii duubay muuqaalka faafay.

Xildhibaan Umulkheir oo hadal ka jeedisay fadhiga baarlamaanka, ayaa sheegtay in Falhada Iimaan ay ahayd qofka huriyay muranka, iyada oo ay sheegtay in ay damacdey iney xildhibaanada weydiiso khilaaf hore oo ay isku hayeen, balse ay si lama filaan shaah wajiga ugaga shubtey.

Falhada Iimaan fursad looma siin inay si toos ah uga hadasho fadhigaas, hase yeeshee waxaa lagu wargeliyay inay bixiso warqad rasmi ah oo sharaxaad ah ugu dambeyn maalinta Isniinta. Balse, waxay qoraal ay soo dhigtay barteeda X ku sheegtay inay ka xuntahay dhacdada, ayna raalli-gelin ka bixinayso sida wax u dhaceen.

Dhankeeda, Umulkheir ayaa sidoo kale raalli-gelin ka bixisay dhacdada, iyadoo sheegtay inaysan nolosheeda horay i sameyn gacan ka hadal. “Waan ka xumahay wixii dhacay. Kama jawaabin weerarkaas, balse waxaan raali galin u dirayaa shacabk iyo baarlamaanka,” ayay tiri.

Afhayeenka Wetang’ula ayaa sheegay in baarlamaanku aanu marnaba aqbali doonin falal noocaas ah, isla markaana dhammaan dhinacyada ku lugta leh lala xisaabtami doono.

Garowe Online

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM