Casharadda Kenya ka baratay weerarkii Dusit hotel ee Nairobi

Image
Image
Image
Image
Image

NAIROBI, Kenya - Kadib afar sano oo xasilooni ah oo ka jirtay Kenya, Al-Shabaab ayaa weerartay Dusit D2 oo ah dhisme ka kooban huteel, xafiisyo iyo makhaayad ku taalla Westland ee galbeedka Nairobi talaadadii lasoo dhaafay.

Weerarka ayaa waxaa fuliyay 5 nin oo ku hubeysan Qoryaha AK-47 iyo bam-gacmeedyo kuwaasoo gudaha ka dagaalamayay mudo ku dhaw 20 saacadood, iyagoo toogasho ku dilay inta badan dadkii ku jiray dhismaha.

Dhacdan argagaxiso aya keentay su'aallo ku saabsan sababta waddanka dhowr jeer Al-Shabaab uga fulisay weeraro dhimasho badan geystay oo xaruumo muhiim ah lagu beegsaday siddeeddii sano ee la soo dhaafay.

Intii u dhexaysay 2011xilligaas oo ciidanka Kenya soo galeen dalka Somalia illaa 2019, Al-Shabaab ka geysatay Kenya saddex weerar oo taariikhda dalkan Geeska Africa ku yaalla baal-madow ka galay, kuwaasoo ay kamid yihiin kuwii lagu qaadey xarunta Westgate mall iyo Jaamacadda Garissa.

Al-Shabaab ayaa weeraradan u adeegsatay dhalinyaro Somali-Kenyan u badan, oo ka qoratay gobolka Waqooyiga Bari ee dalkaasi, halkaasi oo dadka degan ay aaminsan yihiin in Xukuumadda Nairobi dayacday xaquuqdooda.

Maxamed Dulyadeyn, oo ahaa madaxii howlgallada Al-Shabaab ee Kenya, kaasoo lagu dilay howlgal ayaa bishii June 2014 sheegay in shacabka Kenya ay u kala qeybsan yihiin Muslim iyo Masiixi, taasina ay tahay fursad weyn.

Haddaba, su'aashu waxay tahay maxay yihiin casharadda Kenya ka baran-karto weeraradda Al-Shabaab.?

MIDNIMO

Dulyadeyn ayaa ku boorriyay xoogaga Al-Shabaab in ay kordhiyaan weerarradooda Kenya ee lagu bartilmaameedsanayo kaniisadaha iyo goobaha kale ee muhiimka ah, sida Huteeladda iyo Jaamacadaha.

Kenya ayaa inta badan ku guulaysatay inay yareeyso weerarrada joogtada ah ee magaalooyinka ilaa 2014, inkastoo weerarkii Dusit ee Talaadadii todobaadkii tagey uu muujinayo in dagaalka argagaxisad uu ka fog yahay guusha.

Inta badan, heerkulka siyaasadeed ee Kenya ayaa aad uga hooseeya xilligii weerarkii Westgate Sebtember 2013.

Madaxweynaha Uhuru Kenyatta iyo hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ayaa isku mid ah u cambaareeyay weerarkii Dusit, taasoo fariin u dirtay qaranka oo ah in Al-Shabaab aysan ku guulaysan doonin in ay dalka kala qeybiso.

Arrinta labaad oo wanaagsan ee laga bartay dhacdadi ugu dambeysay ayaa ahayd jawaab-celinta hay'adaha amniga ee weerarkii Dusit hotel iyo isuduwidda shacabka oo gurmad u sameeyay dadkii dhaawacmay, oo dhiig u shubay.

Qorsheyn

Sida la diiwaangeliyay, jawaabta Westgate ee ciidamada amnigu waxay ahayd mid u dhacday si aan wanagsaneyn, kadib markii howlgalka samatabixinta uu noqday mid fashilmay, oo la awoodi waayay in khasaaraha la yareeyo, iyadoo ciidanka ay dhac ka geysteen xarunta.

Jawaabtii weerarka Dusit wuxuu ahaa mid deg deg ah oo si wanaagsan oo guul leh ku dhamaadey, iyadoo uu qaatey 19 saacadood oo lagu dilay dableyda, laguna soo badbaadayay 800 oo qof.

Waxay muujisay iskaashiga hay'adaha kala duwan ee qaybta amniga, booliska iyo ciidamada gaarka ah iyo kuwa la dagaalanka argagaxisada Kenya oo billow illaa dhamaad si hufan iskula shaqeeyay howlgalka.

Sababta Fashilka amni 

Kenya ayaa ka duwan Itoobiya marka laga hadlayo dhinac amniga, iyadoo taasi sabab looga dhigayo daacad-nimada ciidankeeda oo aad u hooseysa, iyagoo lagu eedeeyo inay laaluush-ka uga muhiimsan yihin qaranka ilaalintiisa.

Sirdoonka Kenya ayaan lahayn il-fogaan arag ah, oo cadow falalka uu maleegayo ku arko, waxayna awoodi waayeen inay ka warhelaan weerar weyn oo wadnaha Nairobi laga fulinayo, kahor-tag ma lahan.

Xuduuda Kenya iyo Somalia oo lagu qiyaaso illaa 1,000-KM ayaa waxay tahay meel furan, oo Al Shabaab si fudud ugu gudbi karto, xitaa iyagoo hubeysan, taasina waa sabab kale oo keenaysa fashilka amniga.

Itoobiya ayaa la wadaagta Somalia xuduud ka dheer mida Kenya iyo Somalia, balse ciidamadeeda ilaalada xadka ayaa ah kuwa daacad u ah dalkooda, oo aan qaadan laaluushka, kana duwan kuwa Kenya.

Al Shabaab ayaa horey u sheegtay in Kenya aysan amni iyo xasilooni helynin, inta ay ciidamadeeda joogaan Somalia, waxaana hanjabaadaas noqotay mid ficil loo bedelay, oo caalamka walaac ka qabo.

Al-Qaacida ayaa weerartay Safaaradda Mareykanka ee Nairobi 1998, iyadoo uu xigay mid kale oo lagu qaadey Hotel-ka Paradise 2002, kuwaasoo lagu dilay dad badan oo muwaadiniin reer galbeed ah ku jireen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda oo si qarsoodi ah Ciidamo badan ugu dirtay Congo

Si kastaba ha ahaatee, khubarada Qaramada Midoobay ayaa aaminsan in ujeedada dhabta ah aysan ahayn kaliya la-dagaallanka kooxaha hubeysan.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 06:47AM

Baarlamaanka Mali oo Ansixiyay Sharci Siinaya Gen. Assimi Goita Awood Madaxweyne Aan La Dooran

Go'aanka Khamiistii la gaaray ayaa fursad u siinaya Gen. Goita inuu sii xukumo Mali ugu yaraan ilaa sanadka 2030.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 05:42AM