Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta oo Joojiyay Heshiiskii Badda ee Itoobiya iyo Somaliland

Image

Addis Ababa – Waxaa soo baxaya xog cusub oo muujinaysa in Midowga Afrika (AU) iyo Jaamacadda Carabta ay door muhiim ah ka ciyaareen joojinta heshiiskii muranka dhaliyay ee u dhaxeeyay Itoobiya iyo Somaliland, kaasoo ujeeddadiisu ahayd in Itoobiya ay hesho marin badeed iyadoo beddelkeedana aqoonsi ka hela Somaliland.

Heshiiskaasi, oo si weyn u muran dhaliyay, ayaa la saxiixay bilo kadib markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud xafiiska la wareegay, taasoo cadaadis hor leh kusoo kordhisay xukuumaddiisa. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay heshiiska, iyadoo ku tilmaantay weerar cad oo lagu yahay madaxbannaanida dhuleed ee dalka.

Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in qorshuhu uu ku jiray in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo lagu casuumo magaalada Hargeysa, si loo muujiyo taageero siyaasadeed oo ballaaran oo heshiiskaasi helo, taasoo keeni lahayd saameyn siyaasadeed oo weyn.

Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo ahaa maskaxdii ka dambeysay heshiiska, ayaa sheegay in heshiisku u muuqday mid hirgeli doona, balse uu burburay kadib markii Itoobiya ay cadaadis xooggan kala kulantay quwadaha gobolka iyo beesha caalamka. “Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta ayaa si cad uga hor yimid heshiiska, xitaa Mareykanka wuu ka argagaxay,” ayuu yiri Biixi. “Itoobiya waxaa lagu joojiyay cod mideysan oo Afrikaan ah. Xitaa waxaa la isla gaaray in laga guuro xarunta Midowga Afrika haddii Itoobiya diido inay ka laabato.”

Itoobiya ayaa dooneysay inay hesho 20 kiiloomitir oo dhul ah si ay ugu samaysato saldhig ciidan iyo dekad ay ku xirto, beddelkeedana ay aqoonsato Somaliland. Balse dalalka gobolka iyo kuwa caalamkaba waxay muujiyeen walaac ay ka qabaan in arrintani ay sii hurin karto xiisadaha ka taagan Geeska Afrika.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa la sheegay inuu ku qanciyay Farmaajo inuu door muuqda ka ciyaaro arrinta, balse Biixi ayaa sheegay in isagu uu si cad ula hadlay Farmaajo. “Abiy ayaa noo wada wacay, wuxuuna naga codsaday inaan heshiis gaarno. Waxaan u sheegay in shacabka i doortay ay igu aamineen kala go’. Waxaan Farmaajo si toos ah ugu iri: haddii aad rabto inaad timaaddo Hargeysa, waxaad ku imaan doontaa shuruudahayaga. Wuxuu aqbalay, laakiin Abiy ayaa ku cadaadiyay, markaas ayaan joojiyay booqashadiisa,” ayuu yiri Biixi.

Dhanka xiriirka dibadda ee Somaliland, Biixi wuxuu sheegay in is-afgaranwaa kala dhaxeeyay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya uu horseeday xiriirka ay la sameeyeen Taiwan. “Wuxuu igu yiri ha ka hadlin madax-bannaanida. Waxaan ugu jawaabay: haddii aadan Somaliland aqoonsanayn, aniguna ku ma aqoonsani. Markaas ayaan Taiwan u jeesannay,” ayuu yiri Biixi.

Dhammaan is-mariwaagaasi kadib, waxaa la xaqiijiyay in Turkigu uu dhex-dhexaadiyay Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo labada dal ay oggolaadeen in loo saaro guddi farsamo oo ka wada hadla sidii Itoobiya si nabad ah ugu heli lahayd marin ganacsi oo badeed, iyadoo aan loo marin wax heshiis ah oo liddi ku ah qaranimada Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Kenya oo lagu wado inuu xarigga ka jaro biyo-xireenka Itoobiya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay in Masar darteed u diiday casuumaadda Abiy Axmed, ee ka qeybgalka xarig-jarka biyo-xireenka Nile.

  • Afrika

    07-09-2025

  • 12:25PM

Masar iyo Sudan oo Wadajir uga Hor Yimid Biyo-xireenka webiga Niil ee dalka Itoobiya

Masar ayaa sanadkii hore joojisay wada-xaajoodyadii, iyada oo ku eedeysay Addis Ababa in aysan muujin doonin rabitaan siyaasadeed.

  • Afrika

    06-09-2025

  • 09:30AM