Midowga Afrika oo baaq u diray Soomaaliya iyo Kenya

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia – Midowga Afrika ayaa Talaadada maanta ah wuxuu shaaca ka dhigay in uu ka walaacsan yahay dhaqdhaqaaqyadda military ee kasoo cusboonaadey dalalka deriska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

Muuse Faki, oo ah gudoomiyaha ururka Midowga Afrika, ayaa daboolka ka qaadey in muhiim ay tahay in labadda waddan ay ka fogaadaan isku-dhacyadda horleh ayna khilaafka ka dhaxeeya ku dhameeyaan qaab wadahadalo ah.

Mr Faki ayaa hoosta ka xariiqay in xasiloonida xuduudka Soomaaliya iyo Kenya ay laf-dhabar u tahay gobolka Geeska Afrika oo haatan wajahaya halis kaga imaaneysa maleyshiyadda Al-Shabaab iyo aafooyin uu Covid-19 kamid yahay.

"Waxaan aniga oo walaacsan si dhow ula socdaa xiisada sohdinta Soomaaliya iyo Kenya, waxaana ka dalbanayaan labada dal ee deriska ah in ay is-xakameeyaan ayna wadahadalo ku yeeshaan geedi u socodka ay IGAD hogaamineyso. Nabada xuduudka Soomaaliya iyo Kenya waxay muhiim u tahay xasiloonida gobolka," ayuu kusoo qoray boggiisa gaarka ah ee mareegaha Twitter-ka.

Dhawaqa AU-da ayaa kusoo hagaagaya saacado kadib markii dagaal uu magaaladda Beledxaawo ku dhexmaray ciidamo ka kala tirsan Jubaland iyo dowladda federaalka ah ayna ku naf-waayeen 11 ay kamid yihiin 5 caruur isku qoys ahaa.

Muqdisho ayaa sheegtay in Beledxaawo ay kusoo duuleen "jabhad ay soo hubeysay Kenya". Balse, Nairobi waxay iska fogeysay eedeyntaas, iyadda oo ku adkeystay in dagaalkan uu u dhaxeeyo ciidamo Soomaali ah oo laba dhinac ah.

Kenya ayaa sidoo kale waxay ku baaqdey in lasoo afjaro colaadda Beledxaawo. Nairobi waxay mowqifkeeda ku caddeysay qoraal ay u dirtay AU-da.

Xiisadda gobolka Gedo oo taagan sanadihii lasoo dhaafay ayaa waxay salka ku haysaa damaca madaxweyne Farmaajo ee ku aadan in uu dib ugu soo laabto doorashooyinka soo aadan, isaga oo ciidamo ku daabulay gobolkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM