Midowga Afrika Oo Isugu Yeeray Kulan Degdeg Ah Kadib Go’aanka Mareykanka

Image

Addis Ababa (GO) – Midowga Afrika ayaa isugu yeeray kulan degdeg ah oo looga arrinsanayo mustaqbalka Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kadib markii Dowladda Mareykanka ay si rasmi ah u sheegtay inaysan taageeri doonin sii wadista taageerada Qaramada Midoobay ee hawlgalkaasi wixii ka dambeeya dhammaadka sannadka 2026.

Warqad rasmi ah oo ka soo baxday Guddiga Midowga Afrika (AUC), kuna taariikhaysan 2-da Luulyo 2026, ayaa lagu sheegay in 1-dii Luulyo 2026 Ergada Mareykanka ee Midowga Afrika ay gudbisay Note Verbale ay ku caddeyneyso in Washington aysan taageeri doonin sii socoshada taageerada Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) marka uu dhammaado oggolaanshaha hadda jira ee AUSSOM 31-ka Diseembar 2026.

Warqaddu waxay xustay in go’aankaasi uu saameyn weyn ku yeelan doono dhinacyada saadka, howlgalka iyo maalgelinta ciidamada AUSSOM ee ka howlgala Soomaaliya.

Sababtaas awgeed, Guddiga Midowga Afrika ayaa ku casuumay la-taliyeyaasha militariga iyo difaaca ee dalalka xubnaha ka ah Guddiga Nabadda iyo Ammaanka (PSC) inay ka qeybgalaan kulan aan caadi ahayn oo looga hadlayo mustaqbalka AUSSOM.

Kulanka ayaa loo qorsheeyay inuu ka dhaco 3-da Luulyo 2026, Xarunta Julius Nyerere Building ee magaalada Addis Ababa, halkaas oo Guddiga Midowga Afrika uu ku soo bandhigi doono qiimeyn ku saabsan saameynta go’aanka Mareykanka iyo tallaabooyinka xiga ee la qorsheynayo.

Go’aankan Mareykanka ayaa imanaya xilli mustaqbalka howlgalka AUSSOM iyo maalgelintiisa ay horey u wajahaysay caqabado la xiriira dhaqaalaha iyo taageerada caalamiga ah.

Garowe Online ayaa la socon doonta wixii ka soo kordha kulanka iyo go’aannada laga gaaro mustaqbalka howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM