Museveni oo dabciyey mowqifkiisa ku wajahan Qawma-luudnimada

Image
Madaxweynaha Uganda ayaa diidey in uu saxiixo sharciga ka dhanka ah khaniisnimada.

KAMPALA, Uganda - Madaxweynaha Uganda ayaa ka codsaday Xildhibaanada dalkaas inay sharaxaad dheeraad ah ka bixiyaan hindise sharciyeedka ka dhanka ah khaniisnimada uusan dambi kala dhigayn "qawma-luudnimada".

Talaabadan oo u muuqata isbadal ku yimid mowqifka adkaa ee Yoweri Museveni ayaa ka dhigan isku dayga lagu doonayo in lagu baabi'iyo sharciga oo xukuumadda Kampala usoo jiidey cambaareyn caalami ah.

Bishii hore, sharci-dajiyayaasha dalka ku yaal Bariga Afrika ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyey mid ka mid ah sharciyada ugu adag adduunka ee ka dhanka ah LGBTQ, waxayna u direen madaxweynaha si uu u saxiixo.

Sharciga oo Museveni uu amray in dib-u-eegis lagu sameeyo ayaa waxa uu dembi ka dhigayaa khasiisnimada waxa uuna soo rogayaa ciqaab adag oo ay ku jirto dil qof kasta oo u ololeeya qawma-luudnimada.

Difaacayaasha xuquuqda aadanaha, dowladaha reer galbeedka iyo shirkadaha u ololeeya dadka jinsigooda badalay ayaa si weyn uga caroodey waxaana ay ku booriyeen Museveni in uusan qalinka ku duugin.

Museveni ayaa kula taliyay Xildhibaanadda usbuucii hore inay "kusoo daraan dhaqancelinta" oo ay isbedel ku sameeyaan sharciga. Ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee dalka ayaa ku taliyay in sidoo kale sharciga laga saaro ciqaabta dilka ah.

Sharci kale oo la meelmaryay waagii gumeysiga oo ka jira isla dalka Uganda ayaa waxa uu dembi ka dhigayaa falalka isku-tagga ragga iyo dumarka ee "ka soo horjeeda nidaamka dabiiciga ah". Ciqaabta dembigaasi ayaa waxay tahay xabsi daa’in.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM