Muwaadiniin Mareykan iyo British ah oo loo xukumay isku-day afgambi

Image
Raggan ayaa lagu eedeeyay inay hogaaminayeen weerar lagu qaaday labada madaxtooyada.

NAIROBI, Kenya - 37 qof oo ay ku jiraan saddex Maraykan ah, British, Belgian iyo Canadian ah ayaa lagu xukumay dil, ka dib markii ay isku dayeen inay afgambiyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Raggan ayaa lagu eedeeyay inay hogaaminayeen weerar lagu qaaday labada madaxtooyada iyo guriga nin ay xulafo la yihiin madaxweyne Félix Tshisekedi bishii May.

Christian Malanga oo u dhashay dalka Maraykanka balse asal ahaan ka soo jeeda dalka Congo, laguna tuhunsan yahay in uu ahaa hoggaamiyihii qorshahan ayaa la dilay intii uu socday weerarka, isaga iyo shan kale.

Guud ahaan 51 qof ayaa la horkeenay maxkamada ciidamada qalabka sida, iyadoo dhageysiga dacwada laga sii daayay TV-ga qaranka iyo raadiyaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Omar al-Bashir oo loo oggolaaday safar dibadeed sababo caafimaad awgood

Balse qoyska Bashir ayaa Arbacadii sheegay in aysan helin wax ogeysiis rasmi ah oo xaqiijinaya in loo oggolaaday inuu dibadda u safro.

  • Afrika

    01-10-2026

  • 07:40AM

Itoobiya oo ku eedaysay Eritrea, Suudaan iyo Masar inay taageeraan kooxaha hubaysan

Taliyaha guud ee ciidanka Itoobiya, Birhanu Jula, ayaa dhammaadkii toddobaadkii sheegay….

  • Afrika

    29-09-2026

  • 07:50PM