Muxuu Ka Yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya Mooshinka Ka Dhanka Ah?

Image

NAIROBI, Kenya — Madaxweyne ku-xigeenka Kenya, Rigathi Gachagua, oo wajahaya mooshin xil-ka-qaadis ah oo lagu eedeeyay inuu taageeray dibadbaxyadii dowladda looga soo horjeeday ee dhacay bishii Juun iyo musuqmaasuq, ayaa si adag isku difaacay isagoo xaqiijiyay inuu hortagi doono baarlamaanka Talaadada.

Gachagua, oo khudbad telefishinka laga sii daayay ka jeediyay Isniintii, ayaa ku eedeeyay xildhibaankii mooshinka soo diyaariyay inuu been abuur sameeyay, isagoo ku tilmaamay “wax ceeb iyo been abuur ah.” Tani waa markii ugu horreysay ee uu si faahfaahsan uga hadlo eedaha loo soo jeediyay.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa la filayaa inuu hortago baarlamaanka Talaadada galab, halkaas oo uu sheegay inuu “muddo laba saacadood ah difaaci doono naftiisa.”

Taageerayaasha iyo mucaaradka Gachagua ayaa isku dhacay Jimcihii intii lagu jiray kulamo dadweyne oo la iskaga ururinayay aragtida shacabka, halkaas oo dadku ka qayb-qaadanayeen buuxinta foomamka doodda dadweynaha.

Gachagua ayaa difaacay hantida uu leeyahay oo uu ku sheegay inay ka mid yihiin qaar uu dhaxlay walaalkiis geeriyooday, taas oo lagu xusay mooshinka xil-ka-qaadista. Waxa uu sidoo kale difaacay qarashaadka ku baxay dayactirka hoyga rasmiga ah ee madaxweyne ku-xigeenka, isagoo sheegay in gurigu ahaa mid dayactir u baahan loona baahnaa in loo hagaajiyo si loo siiyo sharaf.

Axaddii, intii lagu guda jiray kulan duco ah oo lagu qabtay hoygiisa, ayuu Gachagua ka codsaday Madaxweyne William Ruto, xildhibaannada iyo shacabka Kenya inay ka cafiyaan haddii uu khalad galay intii uu xilka hayay.

Isniintii, wuxuu caddeeyay in raalligelintiisii aysan ahayn qirasho khalad oo uusan wax danbi ah aqbalin, wuxuuna beeniyay warar sheegayay inuu is-casili doono.

Xildhibaannada ayaa la filayaa inay Talaadada ka doodaan mooshinka, ka dibna ay u codeeyaan kahor inta aan loo gudbin aqalka sare.

Tirada guud ee xildhibaannada saxiixay mooshinka xil-ka-qaadista ayaa gaaraya 291, taas oo aad uga badan 117-ka xildhibaan ee dastuurka Kenya ku qeexan. Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah xildhibaannada ka soo jeeda gobolka madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay inaysan hadda taageersanayn mooshinka ka dib markii ay maqleen aragtiyo ka soo horjeeda oo uga yimid bulshadooda.

Madaxweyne William Ruto weli kama hadlin mooshinka xil-ka-qaadista, laakiin wuxuu horay u sheegay in uusan doonayn inuu bahdilo madaxweyne ku-xigeenkiisa, isagoo tusaale u soo qaatay xiriirkii xumaa ee kala dhaxeeyay madaxweynihii isaga ka horreeyay, Uhuru Kenyatta, xilligii ay wada hayeen xukunka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Madaxweynaha 91-jirka ah ee la hardamaya beeninta inuu geeriyooday

Paul Biya ayaa haatan ah hogaamiyaha ugu duqsan qaaradda Afrika iyo madaxweynaha labaad ee ugu xukunka dheer.

  • Afrika

    10-10-2024

  • 02:31PM

Kenya Airways oo garoonka Muqdisho uga guureysa suuq xumo soo wajahdey

Cabashada Kenya Airways ayaa sidoo kale ah in yar tahay iibsashada tikidhka.

  • Afrika

    10-10-2024

  • 04:27AM