Niger: Ciidamada afgambiga sameeyay oo u digay Faransiiska

Image

NIGER: Ciidamdada ku kacay afgembiga ee Niger ayaa uga digay Faransiiska in ay faragelin ku sameyaan arrimaha gudaha ee Niger.

Ciidamdaas ayaa ku eedeeyey Faransiiska  inay ku xad gudubeen go'aanka ay soo saareen ee ku aadanaa xiridda xuduudaha. ka dib markii diyaarad militari ay leeyihiin ku soo degtay caasimadda dalkaas.

Cod la duubay oo la soo dhigay barta X (oo hore u ahaan jirtay Twitter), ayuu golaha -isku magacaabay ilaaliyaha qaranka- uga digay ciidamada Faransiiska inay farageliyaan arrimaha gudaha ee Niger.

ciidamadan ayaa yiri in ay la socdaan in diyaarad milatari oo Faransiisku leeyhay ka soo degtey Gegida dayuuradaha ee Niamey International in kasta oo la xiray xuduudaha dhulka iyo hawadaba ilaa amar dambe.

Afhayeenka milateriga ee golaha “ilaaliyaha qaranka” ayaa sheegay in diyaarad milatari oo nooceedu yahay A400M ay ku degtay garoonka Niamey subaxnimadii hore ee Khamiista.

Afhayeenka ayaa muujiyay sida uusan goluhu ugu qanacsaneyn tallaabada Faransiiska, isagoo ugu baaqay Paris inay u hogaansanto tillaabooyinka ay qaadeen golaha militariga.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli dalalka Afrika iyo kuwa caalamka ay cambaareeyeen afgambigii milateri ee ka dhacay dalka Niger oo lagu afgambiyay madaxweyne Maxamed Basoum.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Canshuuraha Cusub ee Trump oo Saameysay Dalal Badan oo kamid ah Afrika

Lesotho ayaa markii hore wajahaysay canshuur dhan 50%, balse markii dambe waxaa loo dhigay 15%.

  • Afrika

    09-08-2025

  • 04:41PM

Kenya: Bas Sidday Dad Aas Ka Soo Qaybgalay oo Ku Rogmaday

Mas’uuliyiinta ayaa ku baaqay in si degdeg ah wax looga qabto ammaanka waddooyinka si looga hortago dhacdooyin naxdin leh oo kale.

  • Afrika

    09-08-2025

  • 09:47AM