Niger: Ciidamada afgambiga sameeyay oo u digay Faransiiska

Image

NIGER: Ciidamdada ku kacay afgembiga ee Niger ayaa uga digay Faransiiska in ay faragelin ku sameyaan arrimaha gudaha ee Niger.

Ciidamdaas ayaa ku eedeeyey Faransiiska  inay ku xad gudubeen go'aanka ay soo saareen ee ku aadanaa xiridda xuduudaha. ka dib markii diyaarad militari ay leeyihiin ku soo degtay caasimadda dalkaas.

Cod la duubay oo la soo dhigay barta X (oo hore u ahaan jirtay Twitter), ayuu golaha -isku magacaabay ilaaliyaha qaranka- uga digay ciidamada Faransiiska inay farageliyaan arrimaha gudaha ee Niger.

ciidamadan ayaa yiri in ay la socdaan in diyaarad milatari oo Faransiisku leeyhay ka soo degtey Gegida dayuuradaha ee Niamey International in kasta oo la xiray xuduudaha dhulka iyo hawadaba ilaa amar dambe.

Afhayeenka milateriga ee golaha “ilaaliyaha qaranka” ayaa sheegay in diyaarad milatari oo nooceedu yahay A400M ay ku degtay garoonka Niamey subaxnimadii hore ee Khamiista.

Afhayeenka ayaa muujiyay sida uusan goluhu ugu qanacsaneyn tallaabada Faransiiska, isagoo ugu baaqay Paris inay u hogaansanto tillaabooyinka ay qaadeen golaha militariga.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli dalalka Afrika iyo kuwa caalamka ay cambaareeyeen afgambigii milateri ee ka dhacay dalka Niger oo lagu afgambiyay madaxweyne Maxamed Basoum.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM