Niger: Hogaamiyaasha afgambiga oo loo hanjabey

Image

NIGER: Gollaha Nabadda iyo Ammaanka ee Afrika ayaa maanta u qabtey hoggaamiyayaasha afgambiga ku qabsaday dalka Niger 15 maalmood, si ay xukunka u wareejiyaan oo ay dib ugu laabtaan xeryahooda.

Gollaha ayaa soo saaray bayaan ay si adag ugu cambaareynayeen afgambigii milateri ee ka dhacay dalka Niger, kaas oo lagu riday madaxweynihii sida dimuqraadiga ah loo doortay ee Mohamed Basoum.

Golaha oo howshiisu la mid tahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa walaac xooggan ka muujiyay in africa ay dib ugu dhaco afgambi militeri, kaas oo wax u dhimaya dimuqraadiyadda, amniga, nabadda iyo xasilloonida qaaradda.

Sida oo kale wuxuu carrabka ku adkeeyay inaan loo dulqaadan karin isbeddellada dowladeed ee aan waafaqsanayn dastuurka qaaradda Afrika.

Waxaa loogu baaqay ciidamada in ay si deg deg ah oo shuruud la’aan ah ay ugu soo laabtaan xeryahooda, isla markaana ay dib u soo celiyaan maamulka sharciga ah muddo 15 maalmood gudahooda.

Goluhu waxa uu dalbaday in la sii daayo Madaxweyne Bazoum iyo dadka kale ee u xiran siyaasadda, lana ixtiraamo xuquuqdooda. Waxa uuna ballan qaaday in uu qaadi doono tallaabo kasta oo ka dhan ah dadka geystay xadgudubyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM