Niger oo mugdi ku seexatay ka dib markii laga jartay korontada

Image

NIAMEY - Nigeria ayaa joojisay korontadii ay siin jirtay Niger, si loo dhaqan geliyo cunaqabateynta ay ku dhawaaqeen Ururka Dhaqaalaha ee Galbeedka Afrika (ECOWAS).

Ilo ku dhow maamulka shirkadda korontada ee Niger ayaa u sheegay "AFP in Nigeria tan iyo Talaadadii ay jartay khadka korontada u gudbiso Niger oo ku tiirsan boqolkiiba 70 isticmaalka korontada Nigeria.

Wararka ka imaanaya dalka Niger ayaa sheegaya in qaar kamid ah magaalooyinka dalkaas ay ka jirto koronto la’aan. Isbadalkaas ayaa laga dareemaya inta badan ee Niger iyada oo ay Korontada shaqeyso 5 saacadood maalinkii.

Wadamada (ECOWAS) ayaa cunaqabatayn ku soo rogay Niamey ka dib markii ay ciidamadu afgambiyeen madaxwaynihii sida dimuqraadiga ah loo doortay ee Mohamed Bazoum todobaad ka hor.

Axadii ina dhaaftay ayay ahayd markii ururka ECOWAS uu shir deg deg ah ku yeeshay dalka Nigeria, shirkaas oo ay ku shaaciyeen in cunaqabatayn la saaray madaxdii afgambiga ka gaystay dalka Niger.

Waxaa ka mid ahaa joojinta dhammaan dhaqdhaqaaqyada ganacsi iyo dhaqaale ee u dhexeeya Niger iyo dhammaan dalalka xubnaha ka ah. Iyadoo madaxda afgambiga loo qabtay muddo toddobaad ah inay xilka iska wareejiyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Rwanda oo beenisay eedeymaha QM ee ku saabsan ka qaybgalka dilka shacabka ee bariga Congo

OHCHR ayaa sheegtay in dagaalyahannada M23 ay falkan gaysteen iyagoo taageero ka helaya ciidamada Rwanda.

  • Afrika

    12-08-2025

  • 07:53AM

Canshuuraha Cusub ee Trump oo Saameysay Dalal Badan oo kamid ah Afrika

Lesotho ayaa markii hore wajahaysay canshuur dhan 50%, balse markii dambe waxaa loo dhigay 15%.

  • Afrika

    09-08-2025

  • 04:41PM