Nigeria: Dad ku dhintay qarax ka dhashay booyad shidaal

Image
Booyada ayaa ku dhacdey gaari xamuul ah oo siday dad safar ah iyo Lo'.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan 48 qof ayaa ku dhintay qarax ka dhashay booyad shidaal ka dib markii ay isku dhaceen baabuur kale gobolka Niger ee ku yaal woqooyiga badhtamaha Nigeria, sida ay sheegtay hay’adda maareynta musiibooyinka ee gobolka.

Wakaaladda Maareynta Degdegga ah ee gobolka waqooyi-dhexe ee Niger ayaa sheegtay in gaariga shidaalka uu ku dhacay gaari xamuul ah oo siday dad safar ah iyo Lo'. Dhowr baabuur oo kale ayaa sidoo kale shilku qabsaday, sida la sheegay.

Warbaahinta gudaha ayaa ku warantay in labo ka mid ah baabuurta kale — gaari wiishash ah iyo gaari kuwa xamuulka qaada — ay ku lug lahaayeen shilka oo uu dabku qabsaday.

Afhayeenka hay’adda maamulka deg-degga ah, Hussaini Ibrahim ayaa ku sheegay dhimashada 48-qof, waxaana weli ay saraakiishu isku dayayaan inay nadiifiyaan goobta uu shilka ka dhacay.

Shirkadda qaranka Nigeria ee NNPC Ltd ayaa todobaadkii hore sare u qaaday qiimaha shidaalka ugu yaraan 39%, waana kororkii labaad ee ugu weynaa muddo sanad ka badan balse gabaabsi ayaa sii socotay, taasoo ku qasabtay gaadiidleyda inay safaf dhaadheer u galaan magaalooyinka waaweyn ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM