Nigeria: Ku dhowaad hal milyan qof oo ku barakacay daadad ba'an

Image

NAIROBI, Kenya - Burbur soo gaarey biyo-xireenka waqooyi bari Nigeria ayaa sababay daadad ba'an, waxaana dumay kumannaan guri oo ay uga sii dartay dhibaato bini'aadanimo oo aad u daran.

Daadadka ka dhacay Gobolka Borno ayaa saameeyay hal milyan oo qof, guddoomiyaha gobolka ayaa sheegay Arbacadii, taas oo culeys ku keentay kheyraadka iyadoo mas'uuliyiintu ay ku dadaalayaan sidii ay u samata bixin lahaayeen dadka deegaanka oo ay u gelin lahaayeen hoy ku meel gaar ah.

Roobab mahiigaan ah ayaa sababay in biyo-xireen uu buux dhaafo Talaadadii, kaas oo baabi'iyay goob lagu xanaaneeyo xoolaha oo ay dowladdu leedahay, waxaana yaxaasyada iyo masaska lagu dhex arkay bulshooyinkii daadadku soo galeen.

Saraakiisha maxalliga ah ayaa sheegay in ay tahay fatahaaddii ugu xumayd ee soo marta gobolka labaatankii sano ee la soo dhaafay, balse maamulku weli ma shaacin dhimashada.

Dabayaaqadii Agoosto, daadad ayaa dilay 49 qof, kumanaanna waxay ku barakaceen saddex gobol - Jigawa, Adamawa iyo Taraba - ka dib roobab culus oo ka da'ay waqooyi bari ee dalka.

Daadadkii ugu xumaa ee muddooyinkan dambe waxaa ku dhintay 600 oo qof sannadkii 2022-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM