Nigeria: Wiil dil loogu xukumay inuu xaday ukun iyo digaag oo la cafiyay

Image
Segun Olowookere wuxuu jiray 17 sano 2010 markii lala xiray ninkii la socday.

NAIROBI, Kenya - Nin u dhashay dalka Nayjeeriya ayaa waxaa loo fidiyey cafis u fidiyay kadib markii 10 sano kahor dil toogasho loogu xukumay inuu xaday ukun iyo digaag.

Go'aanka cafiska ayaa waxaa soo saarey barasaabka dowlad goboleedka Koonfur-galbeed ee Osun. Segun Olowookere wuxuu jiray 17 sano 2010 markii lala xiray ninkii la socday, sidda ay sheegtay Morakinyo Sunday.

Waxaa la sheegay in guri ay degenaayeen askari boolis ah iyo qof kale ay ku weerareen qori ka sameysan alwaax ah iyo seef balse kaliya ay la tageen digaagii.

Sannadkii 2014-kii, garsoore Jide Falola oo ka tirsan maxkamadda sare ee gobolka Osun ayaa labadan qof ku xukuntay dil daldalaad ah, kaddib markii lagu helay inay xoog ku galeen guriga sarkaalka booliiska ka tirsan oo ay alaabtiisa ka xadeen.

Waxaa jirtay qaylo dhaan guud ahaan Nigeria xiligaas iyadoo dad badan ay dareemeen in xukunka uu ahaa mid aad u adag isla markaana aanan u qalimin xukunka adag ee laga soo saarey.

Waxaa la filayaa in la sii daayo horraanta sanadka 2025-ka. Nigeria ayaan wax dil ah fulin tan iyo sanadkii 2012-kii balse waxaa hadda lagu xukumay dil in ka badan 3,400 oo qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Uganda oo si qarsoodi ah Ciidamo badan ugu dirtay Congo

Si kastaba ha ahaatee, khubarada Qaramada Midoobay ayaa aaminsan in ujeedada dhabta ah aysan ahayn kaliya la-dagaallanka kooxaha hubeysan.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 06:47AM

Baarlamaanka Mali oo Ansixiyay Sharci Siinaya Gen. Assimi Goita Awood Madaxweyne Aan La Dooran

Go'aanka Khamiistii la gaaray ayaa fursad u siinaya Gen. Goita inuu sii xukumo Mali ugu yaraan ilaa sanadka 2030.

  • Afrika

    05-07-2025

  • 05:42AM