Nin 11-sano xabsi ugu jiray dambi uusan gelin oo lasii daayay

Image
Ali Kololo ayaa lala xiriiriyey afduub ay geysteen dabley loo maleynayo burcad-badeed Soomaali ah.

NAIROBI, Kenya - Maxkamada Sarre ee Kenya ayaa Khamiista maanta ah laashay xukun lagu riday nin aan waxba galabsan oo dil toogasho garka loogu geliyey khaarijin uusan ku lug lahayn oo loo geystay dalxiise British ah.

Ali Kololo ayaa sanadkii 2013-kii waxaa lagu maxkamadeeyay dacwad ku saabsan fal dhac ah kadib markii David Tebbutt ay toogasho ku dileen dad illaa haatan looga shakisan yahay burcad-badeednimo.

Xukunkiisa oo markii dambe loo bedelay xabsi daa’in ayaa hadda la baabi’iyay, sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah oo soo xiganaysa qareenadiisa goobjooga ka ahaa fadhiga maxkamada.

Xaaska Mr Tebbutt oo lagu magacaabo Jude - oo taageertay dagaalka Mr Kololo u galay in uu caddaaladda helo - ayaa sheegtay inay "aad u faraxsan tahay" go'aanka xeer-beegtada gaartay.

Sannadkii 2022-kii, BBC-da ayaa daaha ka qaaday in sarkaal sare oo ka tirsan booliiska UK oo gacan ka geystay baaritaanka "lumiyey caddeymo muhiim u ahaa maxkamadeynta Kololo ayna taas leexisay kiiska.

Mr Kololo ayaa haatan laga sii daayay xabsiga Shimo La Tewa ee Mombasa oo uu ku xirnaa muddo 11 sano ah, waxaana uu fursad u helayaa in uu dib ula midoobo qoysaskiisa.

Jude iyo saygeeda Mr Tebbutt ayaa sanadkii 2011 ku sugnaa meel cidlo ah oo loo dalxiis tago oo ku taal xeebta Kenya, markaasoo ay weerar gaadmo ay kala kulmeen koox burcad badeed.

Mr Tebbutt ayaa la dilay iyadoo Marwo Jude lagu haystay meel u dhow Soomaaliya muddo lix bilood ah. Waxa la sii daayay kaliya ka dib markii wiilkeeda qaangaarka ah, Olly, uu galay wadaxaajood heshiis madaxfurasho ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM