Soomaaliya v Kenya: Nuxurka warbixinta guddiga IGAD

Image

NAIROBI, Kenya – Guddiga urur goboleedka IGAD u saarey xal u helida xiisadda diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa soo saarey warbixin ay sheegeen in ay daabaceen kadib baaritaan ay ku sameeyeen eedeymaha ay dowladda federaalka ah u jeedisay Kenya una jartay xiriirka.

Warsidaha Garowe Online ayaa helay nuqul kamid ah warbixintaas oo ka kooban sheegashooyinka xukuumadda Muqdisho, jawaabta dowladda Kenya, iyo faalada guddiga ka bixiyey hadaladda labada dhinac.

Sidda ku xusan warbixinta, dowladda Soomaaliya ayaa eedaha ay Kenya u jeedisay ee guddiga u gudbisay waxay kala yihiin; xadgudub hawada iyo xuduudka dhulka, aqoonsiga iyo la-shaqeynta Jubaland, si sharci-daro ah uga dhoofinta dhuxul iyo sonkor dekada Kismaayo, iyo abuurida, tababaridda iyo gabaad-siinta kooxo hubeysan oo uu maamulo Cabdirashiid Janan.

Xilli ay qireen in ay booqdeen Kenya ayaga ka jawaabaya casuumaad ay ka heleen saraakiisha amniga Nairobi, warbixinta ayaa lagu sheegay in dowladda Uhuru Kenyatta ay iska fogeysay eedaha Soomaaliya.

"Isaga oo tixraacaya xadgudubka hawada Soomaaliya, guddiga wuxuu caddeymo ku filan u helay in diyaarad Kenyaan ah ay gashay hawada Soomaaliya taas oo ka hor-imaaneysa Axdiga Caalamiga ah ee Hawada kaasoo 4-tii December, 1944-tii lagu saxiixay Chicago. Khilaafka kala dhaxeeya mas'uuliyiinta Jubaland awadeed, dowladda federaalka waxay dhamaan duuliyadda fartay in ay ka degaan Muqdisho. Diyaaradaha Kenyanka waxay ku dhiiradeen in ay baalmaraan xayiraaddaas ayaga oo cuskaday daabulitaan shixnado bini'aadanimo," ayaa lagu yiri warbixinta Guddiga xaqiiqo-raadinta ahaa.

Eedaha ka dhanka ah ciidamadda Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM iyo Cabdirashiid Janan ee dowladda federaalka ah ka yimid ayay hoosta ka xariiqeen in ay yihiin kuwa aan sal iyo baar toona lahayn.

Ciidanka Janan hogaamiyo ayay tibaaxeen in ay yihiin askar maamulada Soomaaliya xaq u siinaya in ay sameystaan laguna saxiixay caasimadda Ingiriiska ee London gaar ahaan shirkii arrimaha Soomaaliya.

"Sidaas daraadeed, guddiga wuxuu xaqiijinayaa in mudadii uu Soomaaliya joogay uu goob kamid ah dhulka Soomaalida uu la kulmay [askarta]. Sababo ku aadan ammaanka ciidamadan laga adkaadey, guddiga wuxuu ka fogaanayaa in uu shaaciyo goobtaas," ayaa la raaciyey warbixinta.

Inkasta oo Soomaaliya u madax-banaan tahay arrimaheeda gudaha, guddiga oo eedaha ay Muqdisho jeedisay ku qeexay "cabashooyin horey u soo jiray" ayaa tibaaxay "in aysan ahayn kuwa mudnaa in lagu soo gabagabeeyo xiriirka labada dal ee xag dhaqaale, dhinac bulsho iyo siyaasad ahaan isku xiran".

Cawaaqibka ka dhashay xiriirka Soomaaliya u goysay Kenya ayay tibaaxeen in ay kala yihiin; saddex caruur Soomaali ah oo iskuul ka dhiganeysay Kenya in ay waayeen fursadaas, howlgalada ciidamadda Kenya oo dharbaaxo soo wajahdey iyo xayiraada qaadka oo dalagada beeraha saameysay.

"Guddiga wuxuu soo jeedinayaa dedaalo heer sarre oo diblumaasiyadeed oo dheeraad ah si loo heshiisiiyo dalalka walaalaha ah ee Kenya iyo Soomaaliya," ayaa lagu soo gabagabeeyay warbixintan ay Soomaaliya "ka fajacdey kana naxdey" kana hor-timid kuna qeexdey mid hal dhinac ah.

Hoos ka akhriso warbixinta

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ibrahim Traoré: Hoggaamiye Ku Jira Ka Xoraynta Afrika Gacanta Gumeystayaasha Reer Galbeedka

Sida ay sheegtay Beverly Ochieng, oo ah cilmi-baare sare ka tirsan hay’adda Control Risks ee fadhigeedu yahay caalamka.

  • Afrika

    12-05-2025

  • 07:34AM

Sudan: Weerarro Lagu Qaaday Garoon Diyaaradeed iyo Saldhig Milatari 

Dhamaan duulimaadyadii garoonka Port Sudan – oo ah marinka ugu weyn ee caalamiga ah ee dalkaasi ayaa la joojiyay.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 09:21AM