Qaylo-dhaan kasoo yeertay madaxwayne ku xigeenka la eryay ee Kenya

Image
Rigathi Gachagua ayaa madaxwayne William Ruto waxa uu ku eedeeyay inuu halis geliyay naftiisa.

NAIROBI, Kenya - Madaxweyne ku xigeenka Kenya ee xilka laga xayuubiyey, Rigathi Gachagua, ayaa sheegay Axadii in kooxdii ilaalada u ahayd lagala noqdey, haddii ay wax ku dhacaanna uu masuul ka yahay Madaxweyne William Ruto.

Gachagua - oo iska fogeeyay eedeymaha lagu soo oogay oo uu ku tilmaamay mid siyaasadeysan - ayaa u sheegay saxafiyiinta in ammaankiisa uu halis ku jiro.

“Waa nasiib darada ugu badan ee dalkan ka dhacda in nin gacan kaa siiyay in aad Madaxweyne ka noqoto aad u xumayso”ayuu u sheegay suxufiyiinta isaga oo ula jeeday Ruto oo uu ku taageeray musharaxnimadiisa doorashada 2022-ka.

Afhayeenka booliiska Resila Onyango ayaa diiday in ay jawaab degdeg ah ka bixiso waxayna sheegtay in ay wax ka weydiin doonto hadalka Gachagua ee ku saabsan ilaalinta amniga. Afhayeenka Ruto ayaa sheegay inay dib ka faalloon doonaan.

Sikastaba ha ahaatee, waa caado wax badans oo jirtay in ciidamadda ilaalada si joogto ah hoos loogu dhigaa siyaasiyiinta xilalka sarre kasoo qabata waddanka ka dib markay ka tagaan xafiiska Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM