Qaylo-dhaan laga soo saarey xiisada Soomaaliya iyo Kenya
NAIROBI, Kenya – Baarlamaanka ismaamulka Mandera ayaa walaac ka muujiyey wax ay ugu yeereen "maleyshiyada ajnabiga ah" ee ku sugan degaankooda iyo ciidanka dowlada Soomaaliya ku daabushay sohdinta.
War-saxaafadeed ay soo saareen ayay ku sheegeen in xaalada amni daro ee ay wajahayaan "mid aad uga sii dareysa" isla markaana dadka degaanka ay guriyahooda uga qaxayaan suurtagalnimada dagaal.
Shir guddoonka golaha ayaa sheegay in xiisada diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ay xaalada dowlad degaankooda uga sii dartey.
"In ka badan sidii hore, xaaladdu hadda waa mid aad u kacsan. Qoysaska degan guryaha ku dhow xadka ayaa goobo kale degay kuwa kalena guryahoodii ayey ka tageen," ayey ku yiraahdeen bayaan ay soo saareen.
Qoraalka ayaa la raaciyey: "Maleeshiyada Janan ee ku sugan xaafadda Mandera waxay wadaan is-uruursi waxayna helayaan gawaarida gaashaaman, arrintaasoo oo walwalka kusii xoojiyey dadka degaanka".
Ciidamadda Soomaaliya ee xuduudka jooga ayay cod dheer ku sheegay ay si joogto ah u sameeyaan "dabrid ay ku cabsi-gelinayaan dadka".
"Waxaan ka cabsi qabnaa in uu ciidamadaas ajnabiga ah ka dhex-qarxo dagaal. Shacabka waxay codsanayaan in ay wadankooda ugu laabtaan," ayay xuseen. "Maleyshiyada ajanbiga ah oo ismaamulkeena ku sugan 11 bilood waxay ku kacayaan falal dhaqan-xumo ay ku beegsanayaan haweenka".
Dhanka kale, marka laga soo tago sheegashada, baarlamaanka ismaamulka Mandera ma jiraan illo madax-banaan oo xaqiijinaya.
Wasiirka amniga Jubaland, Cabdirashiid Janan, ayaa horey u beeniyey in wararka in ciidamadiisa ay ku sugan yihiin gudaha Kenya, wuxuuna tilmaamay in ay joogaan magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo.
Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa gobolka Gedo waxay geysay ciidamo kuwaas oo Jubaland si awood ah ugala wareegay, talaabadaas oo maamulka Axmed Madoobe ku sifeeyay "sharci daro iyo xiisad abuur".
GAROWE ONLINE