Ra'iisul Wasaare hore oo lasoo xiray habeenka xafladiisa dhalashada

Image
Alain-Guillaume Bunyoni ayaa waxa uu xilka hayey bartamihii sanadkii 2020 ilaa Sebtembar xagaagii 2022.

NAIROBI, Kenya - Mas'uuliyiinta Burundi ayaa xiray ra'iisul wasaarihii hore dalkaas, Alain-Guillaume Bunyoni, sidda ay sheegeen guddiga xuquuqul insaanka ee dalkaas iyo ilo amni oo sare.

Qabashadda Bunyoni oo ay si weyn u hadal-hayso saxaafadda waddankaas ayaa waxay kusoo hagaagtey toddobo bilood kadib markii xilka looga qaaday beegsi heer sare ah oo siyaasadeed.

Bunyoni, oo la xiray ka hor xafladiisa dhalashadiisa 5-1aad, ayaa wuxuu ahaa ra'iisul wasaare mudadii u dhaxeysay bartamihii sanadkii 2020 ilaa Sebtembar xagaagii 2022.

Hase ahaatee, waxaa xilka laga qaaday isku-shaandheyn weyn ka dib markii madaxweyne Evariste Ndayishimiye uu xafiiska la wareegay sanadka markii uu ahaa 2020.

Wasiirka arrimaha gudaha Burundi, Martin Niteretse oo si weyn loola xiriiriyey kiiskan, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay Arbacadii sheegay in mas’uuliyiinta ay raadinayaan Bunyoni.

"Runtii, Janaraal Bunyoni waxaa si degdeg ah u xiray hay'adda sirdoonka qaranka," ayay saraakiil dhanka amniga ah u sheegeen wakaaladda wararka AFP iyagoo diiday in magaciisa la shaaciyo.

Ilaa 300,000 oo qof ayaa lagu dilay dagaal beeleed muddo 13-sano ah ka soconaya dalkan, halka ku dhawaad ​​400,000 oo qof ay u qaxeen dalka dibadiisa sababo ku aadan jirdil, dil iyo xarig.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM

Kenya iyo Mareykanka oo ku Heshiiyay Qorshe Cusub 

Madaxweyne Ruto wuxuu sheegay in isaga iyo Rubio ay isku raaceen muhiimadda ay leedahay in la dhiso xafiis gaar ah.

  • Afrika

    20-08-2025

  • 01:43PM