Raila oo loo tanaasulay, si uu u noqdo guddoomiyaha AUC

Image

NAIROBI, Kenya - Raila Odinga ayaa markale helay dhiirigelin kale oo ku aadan tartankiisa Guddiga Midowga Afrika (AUC), kadib markii musharaxa Seychelles uu xaqiijiyay inuu isaga haray tartanka.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Seychelles Vincent Meriton ayaa xaqiijiyay in uu isaga haray tartanka, isagoona ku baaqey in la taageero musharaxa Kenya ee Raila Odinga.

Vincent Meriton ayaa sheegay in sababo caafimaad uu uga tanaasulay musharaxnimadiisa xilka guddoomiyaha Midowga Afrika bishii July ee sanadkan.

"Maanta waxaan rabaa in aan taageero siiyo mudane Raila Odinga oo u socdaalaya meelo fog fog oo qaaradda ah si uu u faafiyo fariintiisa Pan Africanism, nabadda, amniga, barwaaqada dhammaan qaaradda iyo muwaadiniinteeda," ayuu yiri Vincent.

Meriton waxa ay carabka ku dhufatay in maadaama Afrika ay u baahan tahay hogaan cusub oo AUC ah maadaama ay isu taageyso in ay kaalin muuqata ka qaadato masraxa caalamiga ah.

Wuxuu intaas ku daray in tartanka uusan ahayn loolan ka dhex jira musharixiinta balse uu yahay in la helo qofka ugu wanaagsan ee hoggaamin kara qaaradda, xilkaas oo uu sheegay in Raila uu ku habboon yahay.

"Raila Odinga, dhammaan dowladaha xubnaha ka ah iyo dhammaan bulshooyinka dhaqaalaha gobolka, kuma guuleysan karno hadafkeenna. Aan isaga u hiilino oo aan u hiilino qaaraddeena, ubadkeena, hooyooyinka, ganacsiga iyo dhamaan bulshadeena oo dhan," ayuu hadalkisia raaciyay musharaxa tanaasulay.

Doorashadda gudoomiyaha gudiga Midowga Afrika ayaa ka dhici doonto Addis Ababa bisha Febuary 2025. Jabuuti ayaa la tartamaysa Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Kenya oo Ka Hortagay Weerar Al-Shabaab ku Qaadday Saldhig Ciidan

Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka deegaannada ku dhow xadka Soomaaliya.

  • Afrika

    12-06-2026

  • 12:11PM

TPLF oo Diyaarinaysa Weerar Ballaaran oo lagu Qaadayo Saldhigyada Ciidanka Itoobiya

Masuuliyiinta Itoobiya waxay ugu baaqeen beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyadii ku lug lahaa geeddi-socodkii nabadda ee sanadkii 2022,

  • Afrika

    12-06-2026

  • 11:48AM