Ramaphosa oo loo dhaariyay inuu markii labaad noqdo Madaxweynaha South Africa

Image

JOHANNESBURG - Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa loo dhaariyay xilka markii labaad kadib doorasho bishii hore ka dhacday dalkaas.

Ramaphosa ayaa kursiga helay ka dib markii uu helay codadka aqlabiyada xubnaha baarlamaanka, isagoo la heshiiyay xulafada kale, oo xisbigiisa African National Congress ANC lasoo dhisayo xukuumad wadajir ah.

Tani waxay ahayd markii ugu horeysay ee ANC uu ku guuldareysto inuu helo aqlabiyadda ka dib doorashadii 29-kii May markii xisbiyada kale sida Zuma uMkhonto WeSizwe (MK), xisbiga Malema ee isbaheysiga ah ee Economic Freedom Fighters (EFF) iyo DA ay heleen tirada ugu badan kuraasta baarlamaanka.

Ramaphosa wuxuu isbahaysiga uu sameystay kaga guuleystay musharax - Julius Malema. Ramaphosa ayaa helay 283 cod halka Malema uu helay 44 cod oo kamid ah kuraasta baarlamaanka 400 oo ah xubnood.

Koonfur Afrika ayaa waxaa ka dhacayay dhibaatooyin adag oo ay ka mid yihiin shaqo la'aan, sinnaan la'aan iyo dambiyo rabshado wata.

ANC - xisbiga caanka ah ee Nelson Mandela - ayaa Koonfur Afrika ku xukumay aqlabiyad tan iyo markii uu dhammaaday nidaamkii midab-takoorka ee xukunkii caddaanka tirada yar ee 1994.

Falanqeeyayaasha ayaa ka digaya inay jiri karaan dhibaatooyin ka dhaca dalka, in kastoo, marka la eego fikradaha kala duwan ay muujinayaan in dad badan ku qanceen natiijadda doorashadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Itoobiya oo Xirtay Safaaraddeeda Asmara, Diblomaasiyiin Eritrean Ahna Dalkeeda Ka Saaraysa

Xiisadda cusub ayaa kusoo beegmaysa xilli Itoobiya ay raadineyso marin toos ah oo ay uga hesho Badda Cas.

  • Afrika

    01-10-2026

  • 05:03PM

Omar al-Bashir oo loo oggolaaday safar dibadeed sababo caafimaad awgood

Balse qoyska Bashir ayaa Arbacadii sheegay in aysan helin wax ogeysiis rasmi ah oo xaqiijinaya in loo oggolaaday inuu dibadda u safro.

  • Afrika

    01-10-2026

  • 07:40AM