Rwanda: Kadib 23 sano oo kursiga ku fadhiyay Paul Kagame oo mar 4aad tartamaya

Image

KIGALI - Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa sheegay inuu mar afraad u tartami doono doorashada madaxtinimada ee sanadka soo socda.

"Haa, runtii waxaan ahay musharax," Mr Kagame ayaa u sheegay majaladda afka Faransiiska ku hadasha ee Jeune Afrique Talaadadii.

Mr Kagame oo wax laga weydiiyay sida ay reer Galbeedku ka qabaan go’aanka uu mar kale isku soo taagayo, waxa uu yiri, “Waan ka xumahay reer galbeedka, laakiin waxa ay reer galbeedku qabaan ma ahan dhibkeyga.

"Waan ku faraxsanahay kalsoonida ay reer Rwanda igu qabaan, mar walba waan u adeegi doonaa, inta aan awoodo."

Mr Kagame ayaa bishii April ku kaftamay in uu rajaynayo in uu shaqada ka fadhiisto oo uu xilka wareejiyo kadib 23 sano oo uu xilka hayay.

Xisbiga talada haya ee dalka Rwandan Patriotic Front (RPF), ayaa Mr Kagame ku sii hayay xilka gudoomiyaha bishii April. Waxa uu xisbiga hogaaminayay ilaa 1998-kii.

Mr Kagame ayaa tan iyo sanadkii 2000 soo ahaa madaxweynaha dalka Bariga Afrika.

Afti muran dhalisay oo dhacday 2015kii ayaa beddeshay xaddidaad dastuuri ah oo ah laba muddo toddobo sano ah oo madaxweynayaal ah oo leh laba xilli oo shan sano ah. Balse waxa ay u ogolaatay Mr Kagame in uu isa soo sharaxo todobo sano oo kale waxa ayna sheegtay in isbadalku uu dhaqan gali doono sanadka 2024-ka.

Wuxuu ku guuleystay doorashadii ugu dambeysay ee 2017 isagoo helay 98.8% codadkii la dhiibtay.

Rwanda xilligii Madaxweyne Kagame waxa ay ku naaloonaysay xasillooni siyaasadeed balse dadka dhaleeceeya iyo kooxaha xuquuqul insaanka ayaa ku eedeeyay dowladdiisa in ay xaddidday xorriyadda siyaasadeed iyo in ay caburinayso mucaaradka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Abiy Ahmed oo sheegay in Itoobiya ay si adag uga shaqaynayso helitaanka marin Badda Cas

Dhanka kale, Eritrea ayaa Itoobiya ku eedeysay inay damacsan tahay inay marin-badeed ka hesho dhulkeeda.

  • Afrika

    07-10-2026

  • 07:57AM

Itoobiya oo ku eedeysay Xasan Sheekh inuu iska indha tirayo xaqiiqda ka jirta gobolka

Maqaalku wuxuu intaas ku daray in, inkasta oo Itoobiya tahay dal aan bad lahayn…

  • Afrika

    07-10-2026

  • 04:03AM