Rwanda oo beenisay eedeymaha QM ee ku saabsan ka qaybgalka dilka shacabka ee bariga Congo

Image

Kigali – Dowladda Rwanda ayaa Isniintii si adag u beenisay eedeymo ay soo saartay Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay (OHCHR), kuwaasoo sheegayay in ciidamada Rwanda ay gacan ka geysteen dilal ay M23 u geysteen boqolaal qof oo rayid ah gudaha bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.

Warbixin ay soo saartay OHCHR ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 319 qof lagu dilay weerarro ka dhacay afar tuulo oo katirsan gobolka Kivu-da-Waqooyi, intii u dhaxeysay 9 ilaa 21-ka Luulyo, iyadoo dadkaasi lagu laayey beero ku yaalla deegaanka Rutshuru.

OHCHR ayaa sheegtay in dagaalyahannada M23 ay falkan gaysteen iyagoo taageero ka helaya ciidamada Rwanda.

Balse wasaaradda arrimaha dibadda ee Rwanda ayaa bayaan ay soo saartay ku tilmaantay eedeymahaas kuwo “aan la aqbali karin” iyo “been abuur cad”.

Rwanda ayaa sidoo kale ku eedeysay hay’adda xuquuqda aadanaha ee QM in ay “ayadoon caddayn haynin” isku dayayso in ay wiiqdo dadaallada lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda ka taagan bariga Congo.

Bishii Luulyo, dowladda Congo iyo kooxda M23 ayaa ku kala saxiixday magaalada Doha ee dalka Qatar heshiis hordhac ah oo ay ku oggolaadeen xabbad-joojin joogto ah, kadib toddobaadyo wadahadallo ah.

Si kastaba, iska horimaadyo ayaa weli ka sii socda dhulka, taasoo khatar gelin karta rajada laga qabo in la gaaro heshiis nabadeed rasmi ah ka hor 18-ka Agoosto.

Qaar ka mid ah warbixinadii hore ee QM ayaa Rwanda ku eedeeyay in ay si toos ah u dirayso kumanaan askari, hub iyo sahay si ay u taageerto M23, hase yeeshee Kigali mar walba way iska fogeysay eedeymahaasi.

Mid ka mid ah shuruudaha heshiiska la filayo waa ilaalinta shacabka iyo in si nabad ah dib ugu laabtaan malaayiinta barakacayaasha ah ee colaadahaasi saameeyeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda Itoobiya iyo Masar oo markale cirka isku shareeray sababo la xiriira webiga Nile

Hadalladan ayaa yimid iyadoo Itoobiya ay dhisayso biyo-xireenka weyn ee Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD), oo ku yaalla wabiga Nile.

  • Afrika

    13-08-2025

  • 09:33AM

Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Mali oo Xabsi la dhigay iyadoo milateriga xukunka la wareegay

Mali waxaa tan iyo 2020 xukuma talis milatari oo xoog ku qabsaday talada, iyadoo 2021 ay mar kale afgambi sameeyeen.

  • Afrika

    13-08-2025

  • 09:06AM