Sarkaal boolis oo si dirqi ah kaga badbaadey qarax miino

Image

NAIROBI, Kenya – Saraakiil ka tirsan booliska Kenya ayaa si dirqi ah uga badbaaday dhimasho Axaddii kadib qarax miino oo ka dhacay waddada xeebta ah ee Lamu, sidda ay ku warantay warbaahinta maxalliga ah ee dalkaas.

Gabriel Musau, oo ah taliyaha booliska gobolka xeebta, ayaa sheegay in gaariga ay la socdeen koox gaar ah oo ka tirsan qeybta ilaalada xuduudaha (BPU) ay bartilmaameedsadeen maleeshiyada Al-Shabaab ee ku sugan deegaanka Nyangoro ee Gobolka Lamu.

Musau wuxuu xusay in kooxda weerarka soo qaaday ay baxsadeen waxyar kadib markii ay ku fashilmeen isku daygoodii ahaa inay gaariga qarxiyaan iyagoo adeegsanaya walxaha qarxa.

Taliyaha booliska ayaa tilmaamay in aysan jirin wax dhaawac ah ama waxyeelo kale ah oo laga soo sheegay dhacdada fashilantay.

“Khasaare lama soo sheegin. Way baxsadeen kadib markii isku daygoodii uu dhicisoobay laakiin waan ku daba jirnaa, ”ayuu Musau ku yiri.

Tani waa isku daygii ugu dambeeyay ee noocan oo kale ah ee lagu qaado ciidamada amniga Kenya ka dib muddo ku dhow sideed bilood oo ay ku guda jireen nasiino iyo weerar la'aan.

Al-Shabaab ayaa fadhigoodu yahay dalka deriska la ah Soomaaliya oo ay soo food saartay dhibaato dhanka amniga ah oo u badan dhacdooyinka la xiriira argagixisada.

Musau ayaa sheegay in ay xoojiyeen howlgalada ka socda deegaanka si loo xakameeyo weerar kasta oo qorsheysan ka dib markii dadka deegaanka ay goor sii horeysay muujiyeen cabsi ah in dhacdadani ay muujineyso in argagixisada ama haraadigooda ay ka shaqeynayaan aagga.

Booliska ayaa warbixin ay soo saareen ku sheegay in dhacdadan ay dhacday iyadoo askarta ay ku galbinayeen gaari dad shacab ah abaare 11.15 subaxnimo ee Axadii wadada Lamu-Gamba ee Nyongoro.

"Saraakiishii way jawaabeen oo rasaas culus ayaa la isweydaarsaday. Baabuurta ka dambeysa gaariga rayidka ee weheliya baabuurka booliska ayaa la joojiyay iyadoo askartu ay la dagaalamayaan ragga hubeysan,” ayaa lagu yiri warbixinta booliska.

Weerarkan ayaa kusoo hagaagaya xilli qaybo badan oo kamid ah dhulka Kenya gaar ahaan gobolka Gaarisa ay ka jirto cabsi xoogan markii ay gudaha ugu daateen dagaalameyaal tobaneeyo ah kana tirsan ururka Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ibrahim Traoré: Hoggaamiye Ku Jira Ka Xoraynta Afrika Gacanta Gumeystayaasha Reer Galbeedka

Sida ay sheegtay Beverly Ochieng, oo ah cilmi-baare sare ka tirsan hay’adda Control Risks ee fadhigeedu yahay caalamka.

  • Afrika

    12-05-2025

  • 07:34AM

Sudan: Weerarro Lagu Qaaday Garoon Diyaaradeed iyo Saldhig Milatari 

Dhamaan duulimaadyadii garoonka Port Sudan – oo ah marinka ugu weyn ee caalamiga ah ee dalkaasi ayaa la joojiyay.

  • Afrika

    06-05-2025

  • 09:21AM