Saxafiyiin muuqaal ka faafiyey madaxwayne isku-kaadinaya oo la daayay

Image
Muuqaal oo bishii December ee sanadkii hore lagu faafiyay baraha bulshada ayaa dhaliyey hadal-heyn qabsatay internet-ka.

NAIROBI, Kenya - Laba ka mid ah afar wariye oo loo xiray bishii Janaayo in ay faafiyeen muuqaal u muuqday in uu muujinayo madaxweynaha South Sudan oo surwaalkiisa "isku-kaadinaya" isagoo jooga goob dadweyne ayaa la sii daayay.

Ururka Suxufiyiinta Koonfurta Suudaan ee UJOSS ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inay soo dhawaynayaan sii deynta Victor Ladu iyo Mustapha Osman.

Muuqaal oo bishii December ee sanadkii hore lagu faafiyay baraha bulshada ayaa dhaliyey hadal-heyn qabsatay internet-ka. Madaxweynaha ayaa xilligaas u taagnaa heesta calanka.

Lix ka mid ah howlwadeenadda warbaahinta dawladda oo kali ku ahaa baahinta munaasabadaas ayaa markii dambe xabsi loo taxaabay, laakiin laba ayaa weli xabsiga ku jira.

"[Waxaan] ka codsanaynaa dowladda inay sii deyso Garang John iyo Jacob Benjamin ama haddii ay hayaan kiis ay uga jawaabaan, waa in la horgeeyaa maxkamad sharciga ah," ayaa lagu yiri bayaanka UJOSS.

Xariga wariyeyaashan ayaa sidoo kale waxaa si xooggan u cambaareeyay kooxaha u dooda xuquuqda oo ay ku jiraan Guddiga Difaaca Saxafiyiinta (CPJ).

"Xiritaanku ma ahan xalka ugu wanaagsan. Saraakiisha ammaanka waa in ay dacwad kusoo oogaan ama sii daayaan howlwadeenada warbaahinta", ayuu yiri wakiilka ururka CPJ ee wadamadda qaarada Afrika ee Saxaraha ka hooseeya, Muthoki Mumo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM